Koox xiriir la leh ISIL oo 10 qof ku dishay dalka Uganda

Image
Dableyda ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay gubeen mooto ayna bililiqeysteen bakhaar.

NAIROBI, Kenya - Maleeshiyo xiriir la leh kooxda Daacish ayaa gubay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah kadib weerar ay ku qaadeen magaalo ku taalla Koonfur-Galbeed ee Uganda, sida ay booliisku sheegeen Talaadadii.

Dableydan oo ka tirsan xoogaga Allied Democratic Forces (ADF) ayaa ka tallaabay xadka si ay u weeraraan xarun ganacsi oo ku taal Kamwenge, sida ay booliisku sheegeen.

"Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan in 10 dabley oo ku hubeysnaa qoryaha SMG ay weerarka fuliyeen oo ay si ba'an u gubeen 10 qof," ayuu yiri afhayeenka booliiska gobolka Vincent Twesige.

Kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale gubay mooto, waxayna bililiqeysteen bakhaar, sida uu sheegay Twesige.

Twesige waxa uu intaas ku daray in ciidamada Uganda la geeyay goobtan si ay u baacsadaan mintidiinta oo la aaminsan yahay in ay gacan-saar dhow la leeyihiin kooxda Daacish.

Weerarka oo dhacay abaare 2-dii subaxnimo ee Talaadadii ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay in ugu yaraan 200 oo ka tirsan fallaagada ADF lagu dilay bishii Sebtembar.

ADF waxaa lagu asaasay Bariga DRC sanadkii 1995-tii. Kooxdan ayaa waxay noqotay midii dadka ugu badan dishay.Waxaa lagu eedeeyay xasuuq, afduub iyo dhac, iyadoo tirada dhimashada lagu qiyaasay kumanaan.

Bishii Juun, xubnaha maleeshiyada ADF ayaa waxay dileen 42 qof oo ay ku jiraan 37 arday kuwaasoo dhigata dugsi sare oo ku yaal Galbeedka Uganda oo u dhow xadka DRC, sidda ay sheegeen laamaha ammaanka dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM