Korneyl Suubane oo loo gacan-geliyey ismaamulka Soomaalida

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Taliyihii sirdoonka maamulkii Cabdi Illay oo dhowaan laga qabtay Hargeysa, xarunta Somaliland, ayaa loo gacan-geliyey ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Korneyl Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane ayaa sawirro lasoo qaadey ay muujinayaan in isagoo gacmaha iyo indhaha la xiran lagu wareejiyey saraakiisha amaanka ee Kalinka Shanaad.

Sidda laga soo xigtay xafiiska madaxweyne Mustafa Cagjar, Suubane oo la filayo in maxkamad lasoo taago, ayaa loo haystaa xadgudubyo bini'aadanimo oo degaanka ka dhacay.

Si gaar ah waxaa loo haystaa weeraro lagu beegsaday Kaniisado ku yaala Jigjiga intii ay socdeen rabshadihii keenay in uu xafiiska baneeyo Illay.

Suubane oo horey uga tirsanaa ONLF ayaa kadib isku dhiibay ciidamadda degaanka, wuxuuna kamid noqday saraakiisha Liyuu Boolis kahor inta aan taliska sirdoonka loo dalacsiin.

Dacwad-oogaha guud ee Itoobiya ayaa Mukhtaar ku daray liiska shaqsiyaadka uu doonayo kadib is-casilaadii Cabdi Illay.

Bilo kahor ayay ahayd markii Xasan Dheere, taliyihii hore ee Jeel Ogaadeen lagu qabtay degaanadda Puntland loona dhiibay maamulka Soomaali Galbeed.

Sikastaba, mas'uuliyiinta degaanka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay sarre u qaadey baacsiga xubnaha looga shakisan yahay in ay degaanka ka geysteen xadgudubyadda iyo xasuuq wadareedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM