Ku dhowaad 100 arday oo lagu qafaashay gobolka Amxaarada ee Itoobiya

Image
Faahfaahinta ku saabsan kooxda ka mas'uulka ah afduubka iyo ardayda hadda ma cadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 100 arday ayaa lagu soo waramayaa in koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay qafaasheen iyagoo bas ka soo raacay gobolka Axmaarada kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa Arbacadii, 03 Luulyo, 2024.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah oo BBC-da la hadlay, ardaydan oo u badnaa arday wax ka baranayay jaamacadda Debark ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday meel u dhow magaalada Gerbe Guracha, oo ku taal gobolka Waqooyi ee Shewa ee gobolka Oromia.

Ehelada ardayda la xiray ayaa ku waramaya in qaarkood ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan dhacdada. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan ayaa weli ku jira gacanta, iyadoo afduubayaashu ay dalbanayaan madaxfurasho si loo sii daayo.

Mid ka mid ah qoyska hal arday oo la afduubay ayaa BBC-da u sheegay in ay heleen dalab lacag madax furasho ah oo dhan 700,000 oo birr, iyadoo ay ugu dambaysta tahay saddex maalmood. Qoysku waxay muujiyeen inay awoodi waayeen inay daboolaan baahidan, iyagoo sheegay, "Ma bixin karno 700,000 oo birr."

Faahfaahinta ku saabsan kooxda ka mas'uulka ah afduubka iyo ardayda hadda ma cadda, sida ay sheegtay BBC Amxaari.

Warbixinteedii 3aad ee Xaalada Xuquuqul Insaanka ee lasoo saaray Jimcihii, EHRC waxay iftiimisay kororka afduubyada madaxfurasho ee saameeyay labada gobol ee Oromia iyo Amhara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM