Ku dhowaad 120 qof oo lagu dilay gudaha Itoobiya bishaan gudaheeda

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dagaal beeleedyo bishaan September ka dhacay gudaha dalka Itoobiya ayaa galaaftay nolosha ku dhowaad 120, halka boqolaal kale ay ka baraceen guriyahooda ruux, sidda sheegay xisbi mucaarad ah.

Dhaqdhaqaaq heer Qaran ee Amxaarada ayaa tibaaxay in isku dhacyada ay 6-dii bishaan ka bilowdeen gobolka Galbeedka dhaca ee Benishangul-Gumuz, uuna daba socday weerar ay maleyshiyo geysteen bilooyin hore.

Afhayeen u hadlay xisbigan kaasoo lagu magacaabo Dessalegn Chanie, ayaa daboolka ka qaadey in qaar kamid ah dadka la dilay si xoog loogu kaxeeyay iskuul, halkaasna lagu toogtay, kuwa kalena lagu waxyeeleeyay waran.

Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya oo walaac ka muujiyey xaalada gobolka ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta degaanka in ay baaraan dilalkaas.

Itoobiya waxaa hareeyay isku dhacyo qowmiyadeed xilli ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu riixayo dib u habeyn dhanka siyaasadda.

Isbedeladaas dardarta ku socda waxaa uu kala qeybiyey dowladda federaalka iyo qaar kamid ah ismaamulada kuwaasoo kasoo horjeeda Abiy.

Fariin uu Twitter-ka kusoo qoray ayuu Abiy Axmed kaga dhawaajiyey in "dhacdooyinka amni ee goos-gooska ah la doonayo in lagu wiiqayo dedaalada dib u habeynta, waana lala xisaabtami doonan qowleysatadda".

Rabshadaha oo cirka isku sii shareeray June markii la dilay fanaanka kasoo jeeda qowmiyada badan ee Hachalu Hundessa ayaa lagu dilay 200 ruux, halka dowladda ay xirtay 9,000, sidda uu sheegay Guddiga xuquuqul insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM