Ku dhowaad hal Milyan ruux oo ku barakacay Galbeedka Afrika

Image
Tirada ayaa loo kala leeyahay 649,184 oo ku qaxay Niger, 225,000 ku barakacay Nigeria iyo 73,778 oo Mali ah.

NAIROBI, Kenya - Daadad xooggan oo ka dhacay Galbeedka Afrika ayaa barakiciyay ku dhawaad ​​950,000 oo qof, waxaana hakad galay waxbarashada carruurta bilowgii sannad dugsiyeedka, sida ay sheegtay hay’adda samafalka caalamiga ah ee Save the Children.

"Boqollaal kun oo caruur ah oo hadda ka barakacay guryahooda ayaa wajahaya cudurro, gaajo ka dhalatay burburka dalagyada, iyo carqaladeynta waxbarashadooda, iyadoo iskuullada ay noqdeen kuwo buux dhaafiyay qoysas qaxay ama ay waxyeello kasoo gaartay fatahaadaha," NGO-ga ayaa yiri Jimcihii.

Save the Children ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​950,000 oo qof ay ku barokaceen – 649,184 Niger, 225,000 Nigeria iyo 73,778 Mali.

Dowladda Niger ayaa sheegtay in in ka badan 700,000 oo qof ay guryo la’aan noqdeen 273 qofna ay dhinteen tan iyo markii roobabka ay bilowdeen bishii June.

Dalka deriska la ah ee Nigeria ayaa dhanka kale lagu arkay 29 ka mid ah 36-da gobol - inta badan waqooyiga - oo ay ku dhufteen kor u kaca biyaha wabiga Niger iyo marinkeeda ugu weyn ee Benue ee dalka oo ay ku jiraan 200 oo dhimasho ah, Save the Children ayaa tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM