Laamaha ammaanka Uganda oo ku raad-jooga ciyaartoy baxsatay

Image

KAMPALA, Uganada – Laamaha amniga Uganda ayaa baadigoobaya shan kamid ah ciyaartoyda xulka Qaranka Eritrea, kuwaasi oo dalkaas u tegay ciyaar kubadda cagta ah, sidda ay ku warameyso Reuters.

Xubnahan oo baxsaday ayaa la sheegayaa in ay raadinayaan magan-galyo. Xidigahan dalkan ayaa sooyaal u leh in ay goostaan marka ay kulamo caalami ah u aadaan dibadda.

Kumanaan ayaa dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrika ka carara sanad walba, iyaga oo cok-sanaya qorshaha dowladda ee askareynta iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha Uganda ayaa laga soo xigtay in aysan war u ahayn ujeedada goosashada ciyaartoydan.

Raggan ayaa Axadii la waayey kadib markii ay dheeleen ciyaarta rubac dhamaadka tartan goboleed saddex todobaad soconaya.

Ururka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo xusay in ay ku raad-joogaan ciyaartoyda ayaa kalsooni ka muujiyey in la heli doono.

"Laamaha ammaanka waxay isku deyayaan in ay ka hortaagaan suurtogalnimada in ay baxsadaan qaybta kale," ayuu yiri ururka.

Sanadkii 2012-kii ayay ahayd markii 14 ciyaartoy Eritrean ah ay goosteen kadib markii kulan-ciyaareed ku dheeleen dalka Uganda.

UNHCR, durbadiiba, waqtigaas ma aysan helin wax codsi magan-galyo doon ah, balse kolkii dambe ayay soo bandhigeen dalabkooda.

Eritrea ayaa kaalinta Sagaalaad kaga jirta wadamada ugu badan ee ay dadkiisu qaxaan. Dhamaadka sanadkii 2018-kii waxaa ka carartay 507,300 ruux, sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Bishii August, hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha, HRW, ayaa daboolka ka qaadey in dowladda Eritrea ay ardayda iyo macalimiinta ku cadaadiso in ay qabtaan Shaqooyinka Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM