Laba qof oo midkood uu ajnabi yahay oo lagu qabtay walxo qarxa

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka la dagaalanka argagixisada ee Kenya oo fiidnimadii xalay howlgal ka sameeyay magaaladda Eldoret ayaa lagu waramay in ay gacanta kusoo dhigeen laba shaqsi oo watay walxo qarxa.

Maxamed Axmed Bashiir, oo 59-sano jir ah, iyo Nasanga Ibrahim, oo 68-jir ajnabi ah, ayaa loo dhaadhiciyey xarunta dambi-baarista.

Sidda ay warisay warbaahinta gudaha, agabka lagu soo qabtay raggaan waxaa kamida; fusuuyadda loo adeegsado qaraxa, fiilooyinka lagu rakibo iyo baaruud. Dhamaan waxaa la wareegay ciidamadda.

Taliska Hay'adda Dambi-baarista oo sheegay in Ibraahim uu ajnabi yahay ayaa tibaaxay in ay baaritaano ku bilaabeen labadooda.

"La tuhunsaneyaasha waxay ku jiraan xabsi sharci ah, baaritaan ayaana socday. Illaa iyo haatan, ma cadda ujeedkooda," ayuu xusay.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayay ahayd markii ciidanka ay ismaamulka Kiambu ku qabteen shan ruux oo ay ku jirto haweenay, saddex kamid ahna ay Soomaali yihiin, kuwaasoo watay gaari iyo walxo qarxa.

Bishii Maaj ee isla xagaagan, Mareykanka ayaa ka digay weeraro ay Al-Shabaab ku beegsato xarumo waaweyn oo Nairobi ku yaala.

Kenya ayaa weerarada argagixisada ku weysay 83 muwaadin 2019-kii; sanadkii kasii horeeyay waxaa kaga dhintay 56, waxaana halkaas ka muuqda sarre u kac 20 boqolkiiba ah, sidda laga soo xigtay xarunta daraasaadka Chrips.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM