Liberia: In ka badan 40-kun shaqaale rayid sharci darro ah oo la qabtey

Image
Shaqsiyaadkan ayaa waxa ay nidaamka dowliga ah ku galeen hanaan aan sax ahayn oo naas-nuujin ah.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Liberia ayaa sheegtay in ay heshay in ka badan 40,000 oo shaqaale rayid ah oo sharci darro ah oo ku jira nidaamkeeda kuwaas oo qaadanayay lacag joogto ah.

Agaasimaha guud ee hay'adda shaqaalaha rayidka ah (CSA), Josiah Joekai, ayaa BBC u sheegay in faahfaahinta shaqaalaha rayidka ah si qaldan loo geliyay ama aan gabi ahaanba lagu gelin Ogeysiiska Talaaboda Shaqaalaha (Pan).

Habka Pan waa shuruudo qasab ah oo shaqo kuwaas oo laga doonayo qof kasta oo kamid ah howlwadeenada dowliga ah ee Liberia ayna isku xaadiriyaan si joogto ah.

"Waxaa jira ugu yaraan 70,000 oo shaqaale rayid ah Liberian kuwaas oo in ka badan 50% ay sharci-darro yihiin hadda sababtoo ah ma aysan marin habka Pan," ayuu yidhi.

Mr Joekai ayaa shaaca ka qaaday in dadka qaar lagu soo qoray liiska shaqaalaha rayidka fariimaha qoraalka ah, taleefoonnada, iimaylada iyo WhatsApp, intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2023.

Dowladda Madaxweyne Joseph Boakai ayaa sheegtay in ay ku tala jirto in ay yareyso mushaarka xeelsan ayna dhimeyso biilka mushaaraadka dowladda ayna bixin doonto adeeg hufan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM