Loolanka Jabuuti iyo Kenya ee kursiga UN-ka oo weji cusub yeeshay

Image

NAIROBI, Kenya – Maadaama ay aad u soo dhowaaneyso xiligii coddeynta, dowladdaha Jabuuti iyo Kenya ayaa waxay aad u xoojiyeen dedaalada ay ku baadigoobayaan taageerada dalalka caalamka.

Kenya ayaa waxay xaqiijisatay aqlabiyadda dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, balse taas ma niyad-jebin Jabuuti oo taageero badan ka heshay dunida Muslimka iyo wadamada Faransiiska soo gumeystay.

Dowladahan oo baratankooda uu weji cusub yeeshay ayaa loolankooda waxay geeyeen shir madaxeedka waddamada ku bahoobay ururka NAM oo magaaladda Baku ee dalka Azerbaijan lagu soo xiray.

NAM ayaa ah urur caalami ah oo ay ku mideysan yihiin wadamadda aan dhinac-nna taageersaneyn ama dhex-dhexaadka ah.

Xukuumadda Nairobi ayaa shirkaas u dirsatay Ababu Namwamba, xoghayaha waaxda arrimaha dibadda Kenya, kaasoo shirar gaar-gaar ah la yeeshay madaxda kala gedisan.

Jabuuti ayaa waxaa dhankeeda kulankaas uga qeybgalay Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah madaxweynaha waddankaas.

Dhinacyadda ayaa halkaas kasoo helay taageero kala duwan, iyadda oo mid walba uu sheeganayo guusha ugu balaran.

Hase ahaatee, waxay kala cadaan doonan cidda labinta hesha bisha June ee sanadka 2020-ka, oo ah waqtga coddeynta.

Kursiga ay isku hayaan dowladahan ayaa ah midka aan joogtada ahayn ee Afrika ku leedahay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo dhamaan wadamada xubnaha ka ah yihiin 15- dowladood.

Soomaaliya iyo inta badan dowladaha Islaamka ayaa horey ugu dhawaaqay in ay garab-taagan yihiin Jabuuti, taas oo wacad ku martay in aysan marnaba niyad-jebin doonin taageerada Afrika siisay Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM