M23 Oo Sheegtay Inay Gashay Bukavu Kadib Markii Ay Qabsatay Garoonka Diyaaradaha

Image

Hoggaamiyaha M23 ee ay taageerto Rwanda ayaa sheegay in ay soo galeen magaalada Bukavu ee Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas, Talaadadii, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay arkeen dagaalyahannada M23 iyaga oo ku sugan waddooyinka degmada waqooyi ee magaalada.

Saacado ka hor, ciidamada Kongo ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanada M23 ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee Kavumu, oo ku yaalla waqooyiga Bukavu, halkaasoo ciidamada Kongo ay dib uga noqdeen iyaga oo ka tagay qalabkooda.

Dagaalyahanada M23 ayaa isku dayayay in ay u dhaqaaqaan koonfur ilaa Bukavu tan iyo markii ay qabsadeen Goma, oo ah magaalada ugu weyn bariga Kongo, dhammaadkii bisha hore.

Qabashada Bukavu, caasimadda gobolka Kivu Koonfureed, ayaa noqon doonta balaadhin aan hore loo arag oo dhanka dhul ah oo ay ku guuleysteen dagaalyahanada M23 tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonka cusub ee 2022, waxayna si weyn u dhaawici doontaa awoodda maamulka Kinshasa ee bariga dalka.

Corneille Nangaa, hoggaamiyaha Isbahaysiga ay ku jiraan dagaalyahanada M23, ayaa sheegay, "Waxaan xaqiijinayaa in maanta aan soo galnay Bukavu, berri waxaan sii wadi doonaa hawlgalka nadiifinta magaalada."

Ciidamada Kongo ayaa si degdeg ah uga jawaabin codsiga warbixinta. Laba qof oo ka tirsan dadka deggan qeybta waqooyi ee Bukavu, gaar ahaan deegaanka Bagira, ayaa sheegay in ay arkeen dagaalyahannada magaalada gudaheeda iyada oo aanay jirin wax dagaal ah oo dhacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM