Madaxii baaritaanka weerar ay Al-Shabaab fulisay oo geeriyootay

Image

NAIROBI, Kenya – Sarkaal sarre oo ka tirsan Booliska la dagaalanka argagixisadda ee dalka Kenya ayaa miyir-beeshay kadibna ku geeriyootay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, shalay oo Sabti ahayd.

Monica Wambui Githaiga, oo hogaamineysay baaritaanka weerarkii Al-Shabaab ee DusitD2, ayaa loola cararay isbitaal ku dhexyaala madaarka, balse dedaalo lagu badbaadinayey nolosheeda ma mirodhalin.

Wargeyska Daily Nation ayaa baahiyey in Ms Githaiga ay kasoo laabatay Japan, halkaas oo ay kusoo qaadatay tababar gaaban.

Shirka Duulimaadka Itoobiya ee Ethiopian Airlines ayay la socotay iyadda oo saacado kusoo hakatay Dubai oo Imaaraadka ka tirsan.

Mudadii ay ku sugneyd Dubai waxay kusoo wargelisay booliska in ay dareemeyso in caafimaadkeeda uusan taam ahayn.

Warbixin laga helay bileyska ayaa lagu sheegay in markii ay kasoo degtay garoonka ay u sheegtay ciidamada in ay wajaheyso madax wareer ayna xanuun ka dareemeyso dhanka xabadka.

"Waxay bilowday inay ka cabato madax wareer iyo xanuun laabta ah. Kadib waxay bilawday matag, waxaa loola cararay xarunta caafimaad, laakiin nasiib xumo way dhimatay," ayuu sarkaal sarre oo bileyska ah.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta ka dambeysa geerida haweenayda oo lagu waddo in lagu aaso khabuuraha magaaladda Nairobi.

Duulaankii Al-Shabaab ee huteelka loo tamashlo tago ee DusitD2 oo dhacay 16-kii Janaayo ee sanadkan 2019-ka ayaa waxaa lagu khaarijiyey in ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan muwaadiniin reer Galbeed ah.

Eedeysaneyaasha loo xiray gulufkan oo Al-Shabaab sheegtay in ay ugu aar-gudeysay aqoonsashada Donald Trump ee in Quddus ay tahay caasimadda Yahuuda ayaa xabsi ku jira lana hakaiyey maxkamadeyntooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM