Shaqsigii dusiyey tacadiyada Jeel Ogaadeen oo xil loo magacaabay

Image

JIGJIGA, Soomaali State – Mas'uuliyiinta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xil sarre u magacaabay Madaxii hore ee Jeel Ogaadeen Korneyl Caysane Sheekh Maxamed, sidda ay baahisay warbaahinta BBC-da.

Xabsigaas ayaa albaabada loo laabay markii ay ka dhaceen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda bini'aadamka gaar ahaan haweenka oo lagula kacay kufsi iyo garaacis aad u daran.

Sidda uu qorshuhu yahay, waxaa lagu wadaa in loo bedelo madxaf si ay uga faa'ideystaan ardayda ku dhaqan degaanka iyo kuwa kale ee ka yimaada dalalka deriska ah.

Korneylka ayaa waxaa laga dhigay taliyaha guud ee Dugsiga Tababarka ciidamadda Garab-case. Talaabadan ayaa waxay abuurtay hadlaheyn aad u weyn.

Dadweynaha ayaa waxay kala noqdeen; qaar dhaliilay oo ku eedeeyay "gabood-faladii dhacay"; qaar ka aamusay talaabadda iyo kuwa aad u soo dhaweeyay.

Jeel Ogaadeen ayaa waxaa mudadii uu jiray xukunkii Cabdi Maxamuud Cumar waxaa loo taxaabi jiray shaqsiyaadka kasoo horjeeda maamulka ee lagu tuhmo in ay gacansaarka la leeyihiin jabhadda ONLF.

Cabdi Illey oo xabsi ku jira ayna ku socoto maxkamadeyn ayaa wuxuu wajahayaa dacwado ku aadan in uu bixiyey amarka tacadiyadaas aadka u foosha xun.

Isaga oo ka falcelinaya hadlaheynta bulshadda ee aadka u qabsatay degaanka iyo goobaha dadku isugu yimaadaan, Caysane oo iska fogeeyay eedeymaha ayaa isku sifeeyay "shaqsi nadiif ah".

"Aniga ayaa lugaheyga ugu tagay HRW oo ku wargeliyay dhibaatooyinka ka jira xabsiga," ayuu u sheegay barnaamijka subaxnimo ee idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Sababtaas awadeed ayaa keentay in mudadii uu jiray maamulkii Cabdi Illay in uu muddo shan sano ah xabsi ku qaatay lana jirdilo, waana waayihiisa rafaadka.

"Dhalinyaro badan baan isla xirneyn, qofkii loogu dhibaateynta badna abaan ahaa," ayuu hadalkiisa ku daray.

Inkasta oo uu ku dedaalay in wax laga qabto dhibaatooyinka oo isugu jira cuno yari, darees la'aan iyo tirro xad-dhaaf ah, haddana wuu ku hungoobay oo xukuumadii jirtay "ayaana u soo jeedin".

Macluumaadka uu hay'addu siiyey waxaa qayb ka ahaa in Miisaaniyadda loo qabtay maxaabiista ay ahayd laba kun; markii uu shaqadda ku joogay ay gaareysay shan kun, 280 oo curuur ah iyo 750 oo dumar ah.

Maxaabiistan ayaa waxay isugu jireen kuwa laga kala keenay magaalooyinka waaweyn ee kala ah; Jigjiga iyo Godey, sidda ku cad tafaashiisa uu dusiyey ee keentay in la xiro.

"Xitaa maxaabiista dhexdooda ayaa sirdoon isku ahayd," ayuu yiri. "Waxaa laygu dhibaateynayo waxay ahayd in dhibaatadda ka jirta jeelka u sheegay Human Rights Watch," ayuu hadalkiisa ku daray.

Isbedelkii degaanka ka dhacay ayaa sababay in lasoo qabto mas'uuliyiinta tacadiyadda geystay laguna raad-joogo kuwa kale, iyadda oo maamulku wacad ku maray in cadaaladda la marsiin doono cid kasta oo dambiga geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM