Madaxtooyada illaa iyo xabsiga: Sooyaalka Maxamed Mursi

Image

QAAHIRA, Masar – Tacsidu way isa soo tareysaa kadib markii uu maxkamad ku dhex-geeriyoodey Maxamed Mursi, madaxweynihii 5aad ahna kii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah ay u doortan dadka Masar.

Mursi oo xukun todoba sano xabsi ugu jiray tan iyo 2013-kii xiligaasi oo afgambi talada loogala wareegay ayaa lagu eedeeyay baqdin-gelin, khaarijinta banaanbaxayaal iyo dambiyo kale.

Illaa iyo hadda lama ogga sababta keentay dhimashada Mursi. Balse dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in geeridiisa "aysan ahayn mid ku timid si caadi ah".

Hadaba waa kuma Mursi?

Magaciisa oo dhameystiran waa Maxamed Maxamed Mursi. Sanadkii 1951-dii ayuu ku dhashay tuulada El-Adwah oo dhacda Aaga webiga Nile hoostagtana gobolka Sharqiya ee waqoyga dalka Egypt.

Sanadkii 1970-kii ayuu Jaamacadda Qaahira ka bartay cilmiga Injineernimadda kahor inta uusan Mareykanka u aadin shahaadada PHD.

Waxa 1979-kii uu guursday Naglaa Maxamed, taasi oo dhashay caruur tiradooda lagu sheegay Shan isugu jirana wiilal iyo gabdho.

Sanadkii 2000 ayaa loo doortay in uu kamid noqdo baarlamaanka. Intii u dhaxeysa, 2000-05 wuxuu ahaa Xildhibaan madax-banaan isaga oo dib kaga biiray muqaawamada Walaalaha Muslimiinta.

2011-kii, isaga iyo 14 kale oo muqaawamadaasi ay isaga tirsanaayeen ayaa la xiray balse waxay maalmo kadib kasoo baxsadeen xabsiga.

Sanadkii 2012-dii, waxa uu noqday murashaxa madaxweyne ee xisbiga Walaalaha Muslimiinta, kaasi oo kolkii laga mamnuucay guud ahaan waddanka Masar.

Kadib guul naadir ah, waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loogu doortay jagada madaxtooyada Masar.

Mursi ayaa xiligaasi wuxuu balanqaaday dowladd ay hogaamin doonan "dhamaan dadweynaha Masaarida".

Hasa ahaatee dadka naqdiya oo sheegayaa in uu ku fashilmay talada dalka ayaa ku edeeyay in uu "Islaamiyiin u ogolaadey in ay ku gacansareeyan siyaasada iyo in uu dhaqaalihii burburiyey".

Dibadbaxyo balaaran oo ka dhan ah dowladiisa ayaa intaasi kadib dalka oo dhan ruxay, taasi oo ugu dambeyntii keentay in xilka laga afgambiyo.

Cabdufitaax Al Sisi, oo ahaa taliyaha ciidamada, haatana ah madaxweynaha Masar, ayaa talada waddanka ku qabsaday in-qilaab.

Milatariga oo joojiyey dasturka kuna dhawaaqay dowlad ku meel gaar ah ayaa ic-laamiyey doorasho cusub oo la qabanayo.

Mursi, oo waqtigaasi cambaareeyay afgambiga, ayaa xabsi la dhigay, waxaana lagu soo oogay dacwado dhowr ah.

Eedeymaha oo kala ahaa; baqdin gelin, khaarijinta banaanbaxayaal, aflagaadeynta garsoorka iyo xabsi kasoo baxasho ayaa, ugu dambeyntii, waxaa garka loogu geliyay todoba sano oo xabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shir ka dhacay Afrika oo ku baaqay cunaqabatayn ka dhan ah Israa'iil

Kulankan ayaa waxaa yeeshay dalalka xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC.

  • Afrika

    06-05-2024

  • 04:23AM

Mareykanka oo Rwanda ku eedeeyay duqeyn lala eegtay xero barakac

Ciidamada Kongo iyo xoogaga M23 ayaa midba midka kale ku eedeeyay weerarka.

  • Afrika

    05-05-2024

  • 08:17AM