Madaxwayne libaax dilaa ah ugu magacdaray siyaasi mucaarad ah

Image
Hogaamiyaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa hadalkan ka sheegtay xarunta Hay’adda Duur-joogta.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa libaax "dilaa ah" waxay ugu magacdartay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka dalkaas.

Madaxweyne Samia ayaa booqasho ku joogtay Hay’adda Duur-joogta Tanzania ee TAWA, markii ay mas’uuliyiintu ay tusayeen Libaaxa dhowaan lasoo qabtay.

"Libaaxaasi magac ma leeyahay?" ayay mas'uuliyiinta waydiisay Madaxweyne Samia. "Haddii uusan magac lahayn, waxaa loogu magacdarayaa Tundu Lissu."

Mr Lissu waa hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Chadema. Waxa la xiray horaantii sanadkan kadib markii uu isku dayay in uu qabto isu soo bax dhalinyaro ah, kaas oo ay booliisku sheegeen in uu doonayay in uu rabshado ka huriyo.

Sidoo kale, Mr Lissu ayaa ka badbaaday weerar lagu qaaday sanadkii 2017. Gaarigiisa waxaa lagu dhuftey in ka badan 17 xabadood, balse wuu baxsaday isagoo dhaawac culus qaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM