Madaxweynaha Ghana oo karantiil galaya cabsi Coronavirus awadeed

Image

ACCRA, Ghana – Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, ayaa galaya karantiil 14 maalmood ah isagoo raacaya talooyinka dhakhaatiirta markii shaqsi ku dhow laga helay Covid-19, sidda ay baahisay wararka Reuters.

Wakaaladda wararka oo soo xigatay war-saxaafadeed dowladeed ayaanan soo bandhigay fahfaahinta shaqsiga qaadey cudurkaas.

"Illaa iyo haatan madaxweynuhu waa ka badqabaa. Balse wuxuu doortay in uu raaco talooyinka dhakhaatiirta," ayaa lagu yiri bayaanka, oo lagu caddeeyay hogaamiyaha uu shaqadiisa sii wadan doono.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa daabacday in ruuxa ku dhow madaxweynaha ee uu soo ritay xanuunka uu ka tirsan Madaxtooyadda.

Hogaamiyeyaal badan ayaa is-godoomiyey markii shaqsiyaad ku dhow uu haleelay fayruskaan asal ahaan kasoo bilowday Shiinaha.

Ghana ayaa diiwaan-gelisay 19,388 kiisas ah, iyo 117 dhimasho. Dalkaan waa mid kamid ah wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika ee laga soo wariyey xaaladaha ugu badan ee caabuqa aadka u halista badan.

Is-karantiilka Nana Akufo-Addo ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii wasiir ku xigeenka ganacsiga, Carlos Kingsley Ahenkorah, uu isku casilay in uu ku xadgudubay is-godoominta markii laga helay Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM