Madaxweynaha iyo taliyaha Booliska Amxaarada oo dil ka badbadey

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo kordheen xaaladda gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, halkaasi oo isku day afgembi laga soo wariyey maanta oo Sabti ah.

Mareega Fortune oo soo xiganaya illo wareedyo uusan magacaabin ayaa warinaya in uu fashilmay isku day lagu khaarijin lahaa madaxweynaha is-maamulka, Demeke Mekonnen, iyo taliyihii booliska gobolkaasi.

Rabshadahaan oo idil ayaa waxay ka dhaceen magaaladda caasimada u ah gobolkaasi ee la yiraahdo Bahir Dar.

Nigussu Tilahun, afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay in xaaladda "in-qilaab dhicisoobey".

Hasa ahaatee, wargeyska wuxuu tabinayaa in jawiga uu yahay mid kacsan isla markaana ay jirto xasilooni aanan cago badan ku taagneen.

Jaraa'idka ayaa wax uu ku sifeeyay "cadaawad" wuxuu sheegayaa in ay ka taagan tahay gudaha xarunta xabsiga talada haya si lamid ah dhismaha laga maamulo is-maamul goboleedka Amxaaradda.

Joornaalka ayaa intaasi ku daraya in shaqsiga dhaawaca culus uu kasoo gaarey is-rasaaseyn ka dhacdey gudaha guriga laga xukumo gobolkaasi uu yahay xeer-ilaaliyihii degaanka, kaasi oo lagu magacaabo Megbaru Kebede.

Qaar kamid ah mas'uuliyiinta gobolada Itoobiya iyo Duqa caasimadda Addis Ababa oo falkaan si adag u cambaareeyay ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin hogaanka gobolka Amxaaradda.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warameysa in xabsi la dhigay shaqsiyaad la tuhmayo in ay ka dambeeyaan dhibaatadan dhacdey.

Demeke Mekonnen, oo sidoo kale ah gudoomiyaha xisbul xaakimka gobolka Amxaaradda, ayaa kusii jeeday waddanka Mareykanka kahor inta aysan haleelin dhacdadan qalqalka gelisay noloshiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM