Madaxweynaha Jabuuti oo fariin u diray Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mahamoud Ali Youssouf, iyagoo muujiyay muhiimadda iskaashiga labada dal.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Addis Ababa ayaa waxaa Abiy Axmed la gudoonsiiyay warqad uu usoo diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle inta uu socday kulanka Wasiir Yuusuf.

"Waxaan saaka ku soo dhoweeyay xafiiska Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Wasiir Yuusuf wuxuu iila yimid farriin uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle," ayuu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

Wadahadalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu xiriirka diblomaasiyadeed u leeyahay ka hortagga caqabadaha gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.

Wada-hadallada noocan oo kale ah ayaa laf-dhabar u ah dhisidda kalsoonida iyo isfahamka, kuwaas oo ah qodobbada lagama maarmaanka u ah horumarka labada waddan iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Wasiir Yuusuf ayaa waxa uu daliil u yahay sida ay uga go’an tahay labada dal in ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah, lagana shaqeeyo sidii loo gaari lahaa yoolalka guud, iyadoo Geeska Afrika ka jiro loolanka juqraafiyeed ee cakiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM