Madaxweynaha Jabuuti oo fariin u diray Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mahamoud Ali Youssouf, iyagoo muujiyay muhiimadda iskaashiga labada dal.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Addis Ababa ayaa waxaa Abiy Axmed la gudoonsiiyay warqad uu usoo diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle inta uu socday kulanka Wasiir Yuusuf.

"Waxaan saaka ku soo dhoweeyay xafiiska Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Wasiir Yuusuf wuxuu iila yimid farriin uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle," ayuu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

Wadahadalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu xiriirka diblomaasiyadeed u leeyahay ka hortagga caqabadaha gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.

Wada-hadallada noocan oo kale ah ayaa laf-dhabar u ah dhisidda kalsoonida iyo isfahamka, kuwaas oo ah qodobbada lagama maarmaanka u ah horumarka labada waddan iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Wasiir Yuusuf ayaa waxa uu daliil u yahay sida ay uga go’an tahay labada dal in ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah, lagana shaqeeyo sidii loo gaari lahaa yoolalka guud, iyadoo Geeska Afrika ka jiro loolanka juqraafiyeed ee cakiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM