Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya

Image

JABUUTI – Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedu Andargachew, ayaa waxa uu wadahadal maanta madaxtooyadda Jabuuti kula yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horeyn, mudane Geelle ayaa wuxuu ugu hambalyeeyay Gedu jagada cusub ee loo magacaabay, sidda ay ku warameyso wakaaladda wararka u faafisa dalka Itoobiya ee loosoo gaabiyo FANA.

FANA ayaa baahisay in madaxweynaha Jabuuti uu si aan gambasho lahayn hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay adkeynta cilaaqaadka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dowladood.

Gedu ayaa u sheegay madaxweynaha in iskaashiga Istaraatiijiga ah iyo xiriirka Jabuuti iyo Itoobiya kaasoo in muddo ah tiirar adag leh aysan saameyn doonin caqabadaha jira.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyey in xiriirka wadamadaan Geeska Afrika ku yaala u dhaxeeya uu kusii socon doono xawaare aad u sareeya, ayay wakaalada kasoo xigatay Gedu.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku adkeeyay in khariidadeynta dhinacyada hor-tabinta leh ee ay iska kaashan doonan ay noqon doonan kuwa mid kasta uu door ku yeelan doono.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale wadaxaajoodka lagu soo qaadey arrimaha laba geesoodka ah ee dhaqaalaha-bulshadda iyo siyaasadda.

Kulankaan ayaa imaanaya xili todobaadkan ay Itoobiya soo saartay khariiradda qaarada Afrika oo Soomaaliya laga saarey, wallow ay raalin buuxda ka bixisay arrintaasi, ayna aqbashay xukuumada Muqdisho.

Itoobiya iyo Jabuuti oo wadaada sohdin ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi iyo mid dhaqaale xili Shiinaha uu yahay wadanka maalgelinta ugu badan ku sameeyay dalalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM