Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Image

Johannesburg, Luulyo 14, 2025 – Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shaqo joojin ku meel gaar ah ku sameeyay Wasiirka Booliska Senzo Mchunu, kaddib eedeymo culus oo ka yimid Taliye sare oo ka tirsan booliska dalka, General Nhlanhla Mkhwanazi.

Mkhwanazi ayaa ku eedeeyay Wasiir Mchunu iyo ku xigeenkiisa Shadrack Sibiya in ay si toos ah u farageliyeen baaritaanno xasaasi ah oo ay wadeen laamaha amniga, isla markaana ay la shaqeynayeen kooxo dambiyo abaabulan ku lug leh, oo lala xiriiriyay dilal siyaasadeysan.

Shaqo ka joojinta Wasiirka ayaa timid xilli walaac xoogan laga muujinayo faragelinta siyaasadeed ee ka dhex jirta hay’adaha garsoorka iyo booliska. Madaxweyne Ramaphosa ayaa si rasmi ah u shaaciyay go’aanka, isaga oo sheegay: “Si guddigu si madax-bannaan shaqadiisa u gutto, waxaan go’aansaday in Wasiirka Booliska, Mudane Senzo Mchunu, la siiyo fasax shaqo oo degdeg ah. Wasiirka waxa uu ballan qaaday in uu si buuxda ula shaqeyn doono guddiga si ay u fuliyaan hawshooda.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabay Professor Firoz Cachalia inuu si ku meel gaar ah u noqdo Wasiirka Booliska. Dhanka kale, General Mkhwanazi ayaa sidoo kale sheegay in Mchunu iyo Sibiya ay kala direen unug boolis ah oo muhiim u ahaa la dagaalanka dambiyada abaabulan, gaar ahaan baaritaanno la xiriiray dilal siyaasadeysan oo lala xiriirinayo shabakado dambiyeed.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa faahfaahiyay baaxadda guddiga baaritaanka, isagoo yiri: “Guddigu waxa uu baari doonaa doorka mas’uuliyiinta sar sare, ee hore ama hadda xil haya, kuwaas oo suuragal ah inay gacan ka geysteen ama ku lug yeesheen falal dambiyeed, ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan xog sirdoon oo lagu kalsoon yahay, ama ay ka faa’iideysteen dhaqaale ahaan ama siyaasad ahaan howlaha shabakadaha dambiyada."

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhaleeceeyay tallaabada Madaxweynaha, iyagoo ku tilmaamay mid aan ku filneyn isla xisaabtan dhab ah. Waxay dalbadeen in Mchunu si rasmi ah xilka looga xayuubiyo halkii laga siin lahaa fasax shaqo.

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM