Madaxweynaha Masar oo ka falceliyay musuqmaasuq lagu eedeeyay

Image

QAAHIRA, Masar – Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Cumar Al Sisi, ayaa eedeymaha la xiriira musuq-maasuqa ee ka dhanka ah isaga iyo Jeneraalada ciidamadiisa ku tilmaamay kuwa salka ku haya ceebeyn.

Ganacsade reer Masar ah kaasi oo qandaraas 15-sano kula shaqeynayey milatariga ayaa muuqaal uu baraha bulshada ku baahiyey ku sheegay in hantida dadweynaha dano gaar ah loo isticmaalo.

Muuqaalka guuxa faraha badan abuuray ee Maxamed Cali oo daawasho badan helaya ayaa waxa ku xusay in xoolaha dadweynaha loo adeegsado ku dhisashada guryo, qasriyo iyo huteelo.

Cali ayaa muuqaalka kasoo diray waddanka qaarada Yurub ku yaala ee Spain, halkaasi oo musaafuris-shaqsi ah uu ku joogay sanadihii u dambeeyay.

Shirka dhalinyaradda Qaahira ayuu madaxweynahu sheegay in ciidamada Masar "la sumcad dilay" balse si gaar ah ma uusan u dul istaagin eedeymaha wax is-dabarin ee isaga ka dhanka ah.

Mohamad el-Masry, oo ah barre sarre oo ka tirsan machadka cilmi baarista Dooxa, ayaa wuxuu yiri: "Xaqiiqada waxay ku qotontaa reer Masar … Waxay bilaabayaa in ay shaki qaadaan".

Isaga oo sii hadlaya waxa uu intaasi ku daray: "Xitaa Al Sisi taageereyaashiisa ayaa bilaabaya in ay tuhmaan sharaftiisa hogaamiyenimo, iyo sidoo kale sharafta xoogaga dowladda ee milatariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM