Madaxweynaha Namibia oo laga helay cudurka kansarka

Image
Hage Geingob ayaa la sheegay in uu daawo u doonan doono waddanka Mareykanka.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Namibia, Hage Geingob, oo 82 jir ah, ayaa u duulaya Maraykanka si uu u helo "daawayn gaar ah" oo dhanka kansarka, sidda uu sheegay xafiiskiisa

Tani waxay ku soo beegantay wax ka yar hal toddobaad ka dib markii uu xafiiskiisu sheegay in baaritaano caafimaad ay ku ogaadeen inuu qabo "unugyo kansar".

82-jirkan wuxuu ku qaadan doonaa "daaweyn cusub" gudaha Mareykanka muddo toddobaad ah, ka hor inta uusan ka soo laaban si uu ugu sii wato daweyntiisa Namibia, ayuu raaciyay xafiiskiisa.

Madaxweyne ku xigeenka, Nangolo Mumba, ayaa sii ahaan doona ku simaha madaxweynaha inta uu maqan yahay Geingob kaas oo dalkan xukumaya muddo dhowr sano ah.

Sikastaba ha ahaatee, walaaca laga qabo caafimaadka Mr Geingob ayaa waxa uu ahaa mid isa soo tarayay, iyadoo wararku ay sheegayaan in sanadkii hore uu qirtay inuu daciifay jirkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM