Madaxweyne cusub oo loo magacaabey gobolka Amxaaradda

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweyne cusub ayaa loo magacaabey gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kadib markii inqilaab fashilmay lagu khaarijiyey madaxii gobolkaasi, bishii hore.

Temesgen Tiruneh, lataliyihii ammaanka ee ra'iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa loo magacaabay madaxtooyadda gobolka Amxaarada ka gedaal markii uu kulmay xisbul xaakim is-maamulkaasi.

Afgembigaasi dhicisoobay waxaa sidoo kale lagu dilay xeer-ilaaliyihii gobolka iyo ruux oo gacan-yare u ahaa madaxweynaha. Si lamid ah taliyihii ciidamada Itoobiya ayaa ku geeriyooday.

Tiruneh ayaa sidoo kale wuxuu soo noqday Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugida Macluumaadka Internet-ka Itoobiya kahor inta aanan loosoo wareejin xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Geesta kale, Yohannes Buayalew ayaa loo doortay ku xigeenka gudoomiyaha xisbiga talada haya ee gobolka Amxaarada, wuxuuna bedelayaa Asaminew Tsegie oo lagu eedeeyay afgembiga.

Xubnahan cusub ayaa si rasmi ah uga mid noqonaya Golaha Fulinta ee Amhara Democratic Party iyo wakiilada gobolkaasi ku metala xisbiga guud ee haya talada wadanka Itoobiya ee EPRDF.

Asaminew Tsegie, oo sidoo kale ahaa madaxa xafiiska nabadda ee degaanka Amxaarada, ayaa kamid ahaa xubno uu xabsiga kasii daayey Abiy Axmed markii uu xafiiska yimid bishii April 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM

Erdogan oo u sheegay Itoobiya inaysan wax faa’iido ah ka helayn aqoonsiga Somaliland

Sanadihii u dambeeyay, Turkigu wuxuu ballaariyay saameyntiisa siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 09:25AM