Madaxweynihii Amxaaradda iyo Taliyihii ciidanka Itoobiya oo la dilay

Image

ADDIS ABABA - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay xaaladda Itoobiya, kadib markii shalay uu afgembi fashilmay ka dhacay gobolka Amxaaradda ee dhaca waqooyiga dalkaasi.

Isagoo la hadlayay warbaahinta dowladda, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in lagu fashiliyay isku day afgembi magaaladda Bahir Dar, isagoo intaasi ku daray in la toogtay taliyihii ciidamada Itoobiya Seare Mekonnen.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynihii gobolka Amxaaradda Ambachew Mekonnen uu u geeriyoodey dhaawac shalay soo gaarey, iyadoo sidoo kale lagu dilay isku dayga afgembi saraakiil sare oo maamulka gobolka katirsanaa.

Ambachew, oo aqoonta ka gaarey heerka PhD ayaa xilka Madaxweynaha gobolka loo magacaabey March 2018, isagoo bedelay Gedu Andargachew oo laga dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Internet-ka ayaa laga jaray guud ahaan dalka Itoobiya, waxaana aad u adag helitaanka macluumaadka ku saabsan xaaladda dhabta ah ee gobolka Amxaaradda, oo wali la sheegayo inay kacsan tahay, islamarkaana la geeyay ciidamo dheeraad ah oo ka socda Federaalka.

Xisbiga haya talada gobolka Amxaaradda ayaa ku eedeeyay afgembiga taliyihii hore ee ciidamada amaanka, oo xabsiga laga soo daayay kadib markii uu xukunka Itoobiya la wareegay Abiy Axmed sanadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM