Madaxweynihii Mali oo is-casilay kalana diray baarlamaanka

Image

BOMAKO, Mali - Saacado kadib markii ay xorriyadda ka qàadeen ciidamadda, Ibrahim Boubacar Keïta, madaxweynihii Mali ayaa khudbad uu telefishinka ka jeediyey isku casilay isla markaana kala diray baarlamaanka.

Milatariga iyo mucaaradka ayaa doonayey in uu xafiiska badaneeyo Ibraahim si loosoo afjaro qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay dib u doorashadiisa iyo in uu mar saddexaad u tartamo xilka ugu sareeya dalka.

"Ma doonayo in uu dhiig u daato si aan xukunka usii joogo," ayuu yiri, isagoo aanan ka warbixin xaalada ra'iisul wasaarihiisa Boubou Cissé kaasoo qudhiisa ay gacanta ku dhigeen ciidamadda gadoodka sameeyay.

Ciidamadda careysan oo gadoodka kasoo bilaabay xero ciidan oo magaala madaxda Bomako u jirta 15 KM ayaa rasaas teel-teel ah ridayey xilli dhalinyaro ay boobeen xarumo dowladeed oo caasimada ku yaala.

"Hadii qayb kamid ah ciidamadeena ay go'aansadeen in ay faragelin milatari kusoo gabagabeeyaan [qalalaasaha siyaasadeed]; aniga wax miyaan dooran karaa," ayuu yiri, isagoo iska fogeeyay in uu caro qaadey.

Saraakiisha hogaamineysay ciidanka gadoodka sameeyay oo kolkii hore la wareegay saldhiga Kati ayaanan adeegsan ergayga "afgembi" kaasoo qaar kamid ah diblumaasiyiinta ku qeexeen xaaladda waddankas.

Carada ka dhanka ahayd dowladda Ibraahim waxay xitaa ka dhex-jirtay ciidamadda maadaama qaarkood aysan mushahar qaadan muddo badan isla markaana waddanka jilbaha dhulka u dhigay musuqmaasuq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM