Magacyadda Xildhibaanada loo xiray in uu casuumay taliyaha NISA

Image

NAIROBI, Kenya – Warbaahinta gudaha Kenya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay magacyadda mudaneyaasha loo xiray in ay todobaadkan socdaal qarsoodi ah ku yimaadeen Muqdisho, caasimadda dalka Soomaaliya.

Iyaddoo tirada xubnaha la qabtay ay gaareyso 11, Talafishinka maxaliga ah ee Citizen Tv ayaa daabacay magacyadda xubnahaas oo uu ku socday baaritaano dheeraad ah.

Magacyadda ayaa kala ah;

Ahmed Kolosh oo laga soo doorto Galbeedka Wajeer

Ibraahim Cabdi oo laga soo doorto Lafey

Rashiid Qaasim oo laga soo doorto Bariga Wajeer

Maxamed Xire oo laga soo doorto Lagdera

Cumar Maalin oo laga soo doorto Bariga Mandhera

Bashiir Cabdullaahi oo laga soo doorto Waqoyga Mandhera

Aadan Xaaji oo laga soo doorto Galbeedka Wajeer

Kullow Maalin oo laga soo doorto Banisa

Aadan Cali Sheekh oo laga soo doorto koonfurta Wajeer

Maxamed Daahir oo laga soo doorto Dadaab

Axmed Baashe oo laga soo doorto Tarbaj

Dhamaan xubnahaan ayaa la tilmaamay in laga qabtay garoonka diyaaradaha Wilson xili ay la socdeen diyaarad qaas ah oo ka duulisay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ku xusan warbixinta.

Su'aalaha ay wajahayaan ayaa la xiriirta ujeedka safarkooda, hadii uu ogaa afhayeenka baarlamaanka iyo in ay ogolaanshiyo qaateen.

Warar horudhac ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in xubnahaas ay la kulmeen Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka Soomaaliya, kaasoo ah shaqsiga ugu awooda badan dowladda madaxweyne Farmaajo.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in wadahadaladda ay daarnaayeen xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya; si lamid ah xiisadda siyaasadeed ee ka dhex-aloolsan Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa soo shaac-baxeysa iyaddoo Muqdisho iyo Nairobi ayaa muddooyinkii dambe hawada isu-mariyeen hadalo adag, taasoo la tilmaamay in ay sii xoojin karto khilaafka diblumaasiyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM