Magdhow la siin lahaa ciidanka Kenya ee Soomaaliya oo dib loo dhigay

Image

NAIROBI, Kenya – Midowga Yurub iyo deeq-bixiyeyaasha ayaa muddo saddex bilood dib u dhigay lacag magdhow ah oo ay siin lahaayeen ciidanka Kenya ee Soomaaliya kula dagaalamaya xoogaga Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay Hantidhowrka guud ee Kenya, xukuumadda Nairobi ayaa waxay codsaneysay lacagtaan tan iyo bishii July ee sanadkan, taasoo ah waxyeeladda ciidamadda ka howlgalaya waddanka.

Lacagta oo gaareysa aduun dhan 48-kun oo Doollar-ka Mareykanka ah ayaa ku saabsan khasaaraha shantii sano ee lasoo dhaafay. Ma cadda sababtay keentay dib u dhaca.

"Midowga Yurub oo lacagta bixin lahaa ayaa u sheegay Nairobi in uusan xitaa haatan bixin karin hal shilin," ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacay wargeyska Business Daily Africa.

In ka badan 4-kun oo Kenyan ah ayaa kamid ah taliska AMISOM oo haatan uu hogaamiyo Jeneraalka Itoobiyaanka ah ee Tigabu Wondimhunegn.

- Ka bixitaanka Soomaaliya -

Miisaaniyadda ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac weyn sababo ku aadan ka bixitaanka askartan ee dalka dhaca Geeska iyo Bariga qaaradda Afrika.

Xoogaga AMISOM ayaa lagu wadaa in ay hayaamaan sanadka 2021/22. Mas'uuliyadda ammaanka waxaa la wareegaya ciidamo Soomaali ah, kuwaasi oo haatan diyaarintooda ay socoto.

Beesha Caalamka ayaa bil walba askarigii waxay siisaa aduun dhan $1,028. Dowladahooda ayaa ka jarta $200, taas oo ka dhigan in askari kasta uu qaato $800 [Sideed boqol oo Doollar-ka Mareykanka ah].

Sanadihii hore, dib u dhac magdhowyadda oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawacyada ayaa ku saabsaneyd xaqiijinta sheegashadda Kenya ee ah in ay kaga dhinteen tirro badan oo askar ah.

Bishii October 2011-kii ayay ciidanka Kenya kasoo galeen Soomaaliya gobolada Jubooyinka markii ay ku bateen weerarada Al-Shabaab, balse waxay dib kaga biireen ciidanka nabad-ilaalinta ah ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM