Mali oo jartey xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Ukraine

Image
Tani ayaa ka dambeysay kadib iska-hor-imaad ka dhacay saxaraha u dhow Tinzaouaten.

NAIROBI, Kenya - Mali ayaa sheegtay in ay jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Ukraine, kadib markii sarkaal ka tirsan militariga uu soo jeediyay in Kyiv uu kaalin ka qaatay dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay meel u dhow xuduudka Aljeeriya bishii hore.

Tobaneeyo ka tirsan ciidamada Mali iyo calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda Wagner ee Ruushka ayaa lagu dilay dagaallo maalmo socday oo ay la galeen fallaagada gooni u goosadka Tuareg iyo dagaalyahanno xiriir la leh Al-Qaacida.

Andriy Yusov, oo ah afhayeenka sirdoonka milatariga Ukraine, ayaa todobaadkii hore sheegay in fallaagada la siiyay "xogta lagama maarmaanka u ah" si ay u fuliyaan weerarada.

Sarkaal sare oo ka tirsan Mali, Korneyl Abdoulaye Maiga, ayaa sheegay in dowladiisa ay aad uga naxday markii ay maqleen sheegashada, waxa uuna Ukraine ku eedeeyay in ay ku xad gudubtay madax banaanida Mali.

Todobaadki hore, ciidamada Mali waxa ay qirteen in ay la kulmeen “khasaare” la taaban karo intii lagu guda jiray dhowr maalmood oo dagaal socday horraantii kaas oo qarxay 25kii Luulyo.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay saxaraha u dhow Tinzaouaten, oo ah magaalo ku taal waqooyi bari ee xuduudka Aljeeriya. Ukraine waxay howlgalkan qeyb uga noqotay maadaama Ruushka uu kala dhaxeeyo khilaaf xoogan ayna u aragto mid halis ku ah jiritaankeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM