Mareykanka iyo Kenya ka shiray "halista" kororsiga Farmaajo

Image

NAIROBI, Kenya - Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa yeeshay wadahadalo fogaan arag ah, sida lagu sheegay war qoraal ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa xustey in wadaxaajoodyada ay qeyb ka ahayd wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Nairobi Raychelle Omamo.

"Waxay ka wada hadleen iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Kenya," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka oo lagu daabacay bogga internet-ka ee wasaaradda.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Xoghaye Blinken wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay nooga go'an tahay in aan la shaqeyno Kenya si aan u horumarinno danaha aan wadaagno ee dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, xiriirka dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa, qaxootiga iyo bulshada ay martida u yihiin, caafimaadka adduunka, amniga gobolka, iyo isbeddelka cimilada oo ay ka faa'iideysanayaan dadweynaha labada waddan - Mareykanka iyo Kenya.

Sida laga soo xigtay qoraalka, xoghaye Blinken wuxuu hoosta ka xariiqay walaaca Mareykanka ee dhibaatooyinka bani’aadanimo iyo xuquuqul insaanka ee ka socda Tigray, oo ay ku jiraan warbixinnada xadgudubyada, iyo halista muddo kordhinta waqtiga Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ay ku keeneyso xasilloonida Soomaaliya iyo ololaha ka dhanka ah al-Shabaab".

Farmaajo oo waqtigiisa uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaa sameystay muddo kororsi laba sano taasoo horseedey isku-dhacyo hubeysan oo ka dhacay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

"Xoghaye Blinken wuxuu xusey ka qeybgalka xoogan ee waarta ee Kenya ee dhinacyada badan waxayna soo dhaweysay fursada ah inay si dhaw Kenya ugala shaqeyso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay arrimaha khuseeya caalamka," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Mareyanka iyo Kenya ayaa kamid ah daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya si gaar ah ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo ah khatarta ugu weyn ee haatan wajahayo gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM