Mareykanka oo 23 sano kadib Safiir u diraya dalka Suudaan

Image

WASHINGTON - Mareykanka ayaa Sudan dib ugu soo celisay safiir kadib markii booqasho halkaas uu ku tagey ra'iisal wasaaraha cusub ee dalkaas, Cabdalla Hamdok. 

"Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno in dalka Mareykanka iyo Sudan go'aansadeen iney is-dhaafsadaan Safiiro muddo 23 sano ah kadib." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada Mareykanka.

Bayaakka ayaa lagu sheegey oo kale in go'aankaan loo qaatey si loo adkeeyo xiriirka labada dal, madaama xukuumadda Hamdok au waddo isbadal si ay u hirgaliso heshiiskii siyaasadeed ee la gaarey 17-kii August 2019.

Tan iyo markii xilka loo magacaabey 21 August, Hamdok waxaa uu madax u ahaa xukuumad KMG ah oo meesha ka saartey hab dhaqankii shaqo ee xukunkii kali-taliska ahaa.

Xamduuk ayaa wuxuu muujiyey sida ay uga go'an tahay in nabad-galiyo ku soo dabaalo dalka Sudan oo ay curyaamiyiin dagaalo sokeeye.

Sudan ayaa u dareereysa doorasho xor ah kadib marka uu dhamaado muddo xileedka xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Hamdok taas oo ah 39 bilood.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM