Mareykanka oo 23 sano kadib Safiir u diraya dalka Suudaan

Image

WASHINGTON - Mareykanka ayaa Sudan dib ugu soo celisay safiir kadib markii booqasho halkaas uu ku tagey ra'iisal wasaaraha cusub ee dalkaas, Cabdalla Hamdok. 

"Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno in dalka Mareykanka iyo Sudan go'aansadeen iney is-dhaafsadaan Safiiro muddo 23 sano ah kadib." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada Mareykanka.

Bayaakka ayaa lagu sheegey oo kale in go'aankaan loo qaatey si loo adkeeyo xiriirka labada dal, madaama xukuumadda Hamdok au waddo isbadal si ay u hirgaliso heshiiskii siyaasadeed ee la gaarey 17-kii August 2019.

Tan iyo markii xilka loo magacaabey 21 August, Hamdok waxaa uu madax u ahaa xukuumad KMG ah oo meesha ka saartey hab dhaqankii shaqo ee xukunkii kali-taliska ahaa.

Xamduuk ayaa wuxuu muujiyey sida ay uga go'an tahay in nabad-galiyo ku soo dabaalo dalka Sudan oo ay curyaamiyiin dagaalo sokeeye.

Sudan ayaa u dareereysa doorasho xor ah kadib marka uu dhamaado muddo xileedka xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Hamdok taas oo ah 39 bilood.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM