Mareykanka oo cunaqabateyn saarey xeer-ilaaliyihii hore ee Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Mareykanka oo sarre u qaadey dedaalada uu ku wiiqayo wax is-dabamarinta Kenya ayaa soo saarey digniin wuxuuna mas'uul sarre oo dowladda ka tirsan ka mamnuucay socdaalka markii uu joojiyey viisahiisa.

Xeer-ilaaliyihii hore ee Kenya, Amos Wako, kaas oo hadda ah Senator-ka ismaamulka Busia, xaaskiisa Flora Ngaira iyo wiilkiisa Julius Wako, ayaa waxaa xayiraadda kusoo rogtay Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka.

Mike Pompeo, xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wuxuu go’aankaan ku dhawaaqay Isniintii.

Wako, oo qareen ah kaasoo 20-sano ahaa xeer-ilaaliyaha tan iyo 1992-dii, ayaa siyaasadda kusoo biiray 2012-dii, waxaana markii ugu horeysay loo doortay Senatorka xisbiga mucaaradka ah ee Orange Democratic Movement.

Pompeo, oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa coksaday in Wako lagu helay musuqmaasuq "baahsan" oo uu ku kacay, sidaas wadeedna ay ku muteysteen go'aankaas liddiga ku ah isaga iyo qoyskiisa.

Cunaqabateynta ayaa nuxurkeedu yahay in aysan geli karin gudaha dalweynaha Mareykanka, sidda lagu caddeeyay bayaanka Michael Pompeo.

Wasiir Michael Pompeo ayaa talaabada ay qaadeen ku qeexay "mid xoogan" oo muujineysa in Mareykanka ku garab taagan yahay dalka dhaca Geeska Afrika dagaalka ka dhanka ah wax is-dabamarinta.

"Mareykanka wuxuu ku garab taagan yahay dadka Kenyaan-ka in la ciqaabo xubnaha musuqmaasuqa ka geysta gudaha dalkooda," ayuu raaciyey Pompeo, kaasoo war-saxaafadeedkiisa nuqul kamid ah uu helay GO.

Dhinaca kale, Wako oo ka falceliyay go'aanka xukuumadda Washington ayaa wuxuu sheegay in uu dhaliilayo isla markaana uusan u baahneyn waddanka Mareykanka.

Inta la og-yahay taariikhda Kenya, waa markii ugu horeysay in Mareykanka uu joojiyo dal ku galka mas'uul sarre. Go'aankaan wuxuu kusoo aadayaa xili uu meel sarre marayo dagaalka dowladda Uhuru Kenyatta kula jirto musuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM