Mareykanka oo DF ku cadaadinaya in ay ka laabato dacwadda badda

Image

WASHINGTON, US – Xili Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay dhowaan muddo kordhintii ugu dambeysay ku sameysay dhageysiga dacwadda, Mareykanka ayaa karaar-siinaya cadaadis ka dhan ah Soomaaliya.

Xukuumadda Washington ayaa lagu waramayaa in ay daaha gedaashiisa ka wado dedaalo ku saabsan in ay Muqdisho kasoo laabato dacwadda badda isla markaana miiska wada hadalka lagu dhameeyo kiiskan.

Kyle McCarter, danjiraha Mareykanka u fadhiya Kenya, oo "socdaal qarsoodi ah qeybna ka ah ajendaha ku tegay Muqdisho" ayaa xusay in hogaamiyeyaasha labada dal ay u bandhigeen damacooda.

"Arrinta waa in sida ugu dhow wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan," ayuu yiri.

Farmaajo iyo Kenyatta ayaa September ku kulmay Mareykanka, iyaga oo isla gartay in lasoo celiyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo in arrinta badda aysan gorgortan ka gelin karin Soomaaliya.

"…aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri 'isaga bax kiiska maxkamadda'," ayuu u sheegay joornaalka afka dheer ee Daily Nation.

Mr McCarter oo aan carabaabin goorta safarkiisa magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika ayaa rumeysan in khilaafka labada dowladood ay faa'iido u tahay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

ICJ ayaa shaacisay in dhageysiga kiiskan uu qabsoomi doono June 2020-ka. Xiligii hore loogu balamay ee November waa la bedelay markii Nairobi codsatay in la siiyo hal sano oo ay isku diyaariso.

Dalabkaas waa ka ciiday xeer-beegtada UN-ka oo ku adkeysatay in dib dambe aysan aqbali doonin muddo kordhin.

Donald Yamamota, safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho, ayaa bilowgii sanadkan mar mid kamid ah Tv-yadda Muqdisho la hadlayey, wuxuu ka gaabsaday in ka hadlo kiiska badda.

Dhinaca kale, madaxtooyadda Soomaaliya oo Garowe Online xiriir la sameeyay si uga jawaabay sheegashada danjiraha ee ku aadan in uu Muqdisho u tegay kiiska badda, ayaa xustay in ay ka jawaabeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM