Mareykanka oo digniin amni kasoo saarey Itoobiya kadib inqilaab

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha dalka aan badda lahayn Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shaaciyey in la toogtey taliyaha ciidamada dalkaasi kadib qalalaaso ka dhacay gobolka waqoyga dhaca ee Amxaarada.

Isaga oo kasoo muuqdey muuqaal-baahiyaha dowladda xili uu xiran yahay dareen ciidan, Mr Abiy ayaa sidoo kale shaaca ka qaadey in la khaarijiyey mas'uuliyiin ka gedaal markii weerar uu ka dhacey caasimada Bahir Dar.

Mar sii horeysay xafiiska Abiy ayaa ku dhawaaqey in uu jirey "isku day afgembi" oo is-maamulkaasi ka dhacay.

Warar dheeraad ah ayaa kusoo waramaya in gebi ahaanba la xanibey Internet-kii guud ahaan dalka Itoobiya.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay maqleen daryenka rasaas culus oo ay is-dhaafsanayeen dhinacyo.

Waaxda Dowladda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka war-qabto rasaasta isla markaana waxay uga digtay muwaadiniinta waddankaasi ay tageen gobolkaasi iyo meelaha kale oo naf-sadooda halis gelin karta.

Mr Abiy oo sanadkii hore la doortay ayaa isbedel ku sameeyay siyaasada Itoobiya, isaga soo soo daayey maxaabiis siyaasadeed waxa uuna xayiraadii ka qaadey xisbiyo siyaasadeed oo la mamnuucey.

Intaasi waxaa wehlisa in uu maxkamadeeyay mas'uuliyiin ku eedeysnaa in ay ku tunteen xuquuqda aadanaha.

Balse tan iyo markii uu xafiiska yimid, waxaa dalka dib uga curtay colaad ku saleysan qowmiyad taasi oo ay ku barakaceen 2.4 milyan oo ruux, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobey.

Maxaa dhacay?

Mr Abiy wuxuu tilmaamay in taliyaha ciidamada dalkaasi, Seare Mekonnen, ay weerareen "koox qawleysato ah".

Balse wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa ma uusan fahfaahin xaaladiisa caafimaad, wallow la sheegayo in la khaarijiyey.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa intaasi ku darey in mas'uuliyiinta ay kulan ku lahaayeen gobolka Amxaarada "markii ay rasaas ku fureen saaxiibadood".

Afhayeenka Abiy Axmed ninka lagu magacaabo Negussu Tilahun ayaa tibaaxay in afgembiga la doonayey in lagu rido Ambachew Mekonnen, oo ah madaxweynaha is-maamulka Amxaarada.

Dadaalo lagu soo xirayo shaqsiyaadkii ka dambeeyay wixii ka dhacay gobolka Amxaaradda ayaa socda, sida laga soo xigtay xafiiska Abiy.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga talada haya gobolka Amxaarada ayaa ku eedeeyay taliyihii hore ee amniga gobolkaasi oo uu xabsiga kasoo daayey Abiy - in uu ka dambeeyo rabshadaha.

Wakaalada wararka Reuters ayaa barre Jamaacadeed waxay kasoo xigtay in rasaasta la maqlayey in ka badan afar saacadood.

Sikastaba ha ahaatee, xasilooni darida kasoo korodhay gobolka Amxaarada ayaa waxay imaaneysaa iyadda oo madaxweynaha is-maamulkaasi la qorsheynayey in uu u safro waddanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo soo farageliyay colaadda ka taagan gudaha Itoobiya

Isku-dhacan ayaa u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada fano ee gobolka Amxaarada.

  • Afrika

    16-05-2024

  • 03:34AM

Maxkamadda ICC oo shacabka Uganda u balanqaadey lacag magdhow ah

Lacagtan ayaa waxa ay qeyb ka tahay kiis dambi dagaal oo ay maxkamadda xukun ka soo saartey.

  • Afrika

    15-05-2024

  • 01:29AM