Mareykanka oo fahfaahin kasoo saarey askari looga dilay Jabuuti

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa soo saarey fahfaahin kooban oo ku saabsan askari Ameerikaan ah oo looga dilay gudaha Jabuuti.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa magaca askarigaas ku sheegtay Walter Lewark, oo la tilmaamay in uu ahaa 26-sano jir.

Xerada Camp Lemonnier oo ah tan ugu weyn saldhigyadda ku yaala Jabuuti oo ay leeyihiin duwadaha caalamka ayuu ku dhintay.

Qoraalka wasaaradda ayaanan lagu shaacin sababta keentay geerida askariga oo la sheegay in lagu waddo baaritaano qoto dheer.

Balse waxaa la tibaaxay in aysan la xiriirin dagaal ama weerar lagu soo qaadey xerada oo aad loo ilaaliyo ammaankeeda.

Walter Lewark ayaa kasoo jeeda Mountainair, oo hoostagta New Mexico ee ismaamul goboleedka Lewark.

Caadiyan Mareykanka ayaa inta badan xaqiijiya askarta kaga dhimatay goobaha dagaalka kahor inta uusan soo saarin warbixin dhameystiran.

Geerida askariga ayaa kusoo aadeysa iyaddoo Mareykanka uu qorsheynayo in uu hoos u dhigo tiradda ciidamadda kaga sugan qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyihii  Jabuuti oo geeriyooday, isagoo 91 jir ah

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhulka ee Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciise laga soo bilaabo 1967 illaa 1976.

  • Afrika

    17-12-2025

  • 07:13AM

Booliska Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ku qaaday Shaqaale u dhashay Shiinaha

Gaadiidka shirkadda dhismaha, oo ay ku jiraan hal gaari boolis, shan Toyota Hilux double-cab, grader, iyo bowser biyo ah.

  • Afrika

    16-12-2025

  • 03:07PM