Mareykanka oo Farmaajo u sheegey inuu ka noqdo dacwada Badda

Image

NAIROBI -  Jariidada ugu afka-dheer dalka Kenya "Daily Naition" oo wareysi gaar ah la yeelatey safiirka dalka Mareykanka u fadhiya wadankaas Kyle McCarter ayaa waxaa uu u sheegey mowqfika ay ka taagan yihiin khilaafka Badda. 

Kyle McCarter oo la waydiiyey su'aal ku aadan halka wadankiisu ka taagan yahay khilaafka Badda ee u dhexeeya dalka Soomaaliya iyo Kenya iyo talaabooyinka diblomaasiyeed ay qaadeen ayaa sheegey in arinkaan loo baahan yahay in si degdeg ah loo wajaho islamarkaana uu ka shaqeeyey sidii miiska wadahadalka la isugu keeni lahaa Farmaajo iyo Uhuru Kenyata. 

"Waxaan tagey Muqdisho si aan ula hadlo Madaxweyne Farmaajo. Waxaan u sheegey inuu ka noqdo dacwada Badda." 

Waxaan sidoo kale u sheegey [ Farmaajo iyo Kenyatta] mushkilada ugu weyn ee jirta waxaa weeye sidii Al Shabaab looga adkaan lahaa, waana sida kaliya oo loola soo bixi karo dhaqaalaha ku jira biyaha buluugan.

"Madaxweyne Kenyatta ayaa dadaal badan ugu jira sidii arinkaan loo xalin lahaa, anigana waa taageereynaa sidii arintaan loo dhameyn lahaa." ayuu yiri safiirku isaga oo hadalkiisa wata.

Dhinaca kale, safiirka dalka Kenya u fadhiya Mareykanka Kyle McCarter oo wax laga waydiiyey sida ay u arkaan in qaraar golaha amaanka lagu soo saaro sidii ururka Al Shabaab u noqon lahaa argagixiso caalami ah,  ayaa waxaa safiirkuuu ku jawaabey: "In Al Shabaab Toban sano ka hor u aqoonsadeen inuu yahay urur argagixiso oo caalami ah".

Balse ma aanu gayn golaha amaanka kumana soo bixin qaraarka 1267 taas oo ah sida Kenya rabto, talaabadaas ayaa nooga baahaneysa in aan dalkaas dagaaladu dhibaateeyeen kala baxno dhamaan deeqaha xaga bini'aadnimada ah oo aan siino.

"Ma aha arin bini'aadnimo in aan dalkaas kaalmada aan siino kala noqono balse waxaan dhaqale badan ku bixinaa howlgalada  AMISOM si looga adkaato Al Shabaab." ayuu ku soo gabagabeeyey Jawaabta uu ka bixiyey su'aashaas.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa qoraal ay soo dhigeen barta Facebook ku beeniyay inuu jiro kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Nairobi.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM