Mareykanka oo farta ku fiiqay "cidda fududeysay" weerarkii Manda Bay
NAIROBI, Kenya – Milatariga Mareykanka ayaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in dad Kenyan ah ay fududeeyeen weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga Manda Bay ee ku yaala ismaamulka Lamu.
Jeneraal Gregory Hadfield, ku xigeenka agaasimaha sirdoonka taliska AFRICOM, ayaa tilmaamay in shaqsiyaadka gacanta ka geystay weerarka ay ku sugan yihiin gudaha waddanka Kenya.
Hadfield ma uusan carabaabin meesha ay kaga sugan yihiin Kenya iyo magacyadda la tuhunsaneyaasha.
"Maleeyshiyaadka weeraray xerada waxay kasoo talaabeen xadka Soomaaliya iyagoo taageero ka helay dad ku sugan gudaha Kenya kahor inta aysan gudaha ugu daatan saldhiga," ayuu yiri.
Sidda laga soo xigtay Gregory Hadfield, laba kamid ah dableyda weerarka ku qaadey xerada ayaa baxsaday. Ciidamada waxay toogasho ku dileen shan kamid ahaa dagaalameyaasha.
Inta la xaqiijiyey saddex Ameerikaan ah, oo kala ah askari iyo laba qandaraasleyaal ah, ayaa ku naf-waayey duulaankaas.
Diyaarado u badan kuwa qumaatiga u kaca ayaa la sheegay si lamid ah lagu gubay weerarka oo dhacay 5-tii Janaayo ee sanadkan 2020.
Maadaama uu yimid xili ay jirto xiisad kadib dilkii Qaasim Suleymaani, Al-Shabaab waxay meesha ka saartay in falkaas ay ku taageereysay Iiraan.
Hadalka kasoo yeeray milatariga Mareykanka ayaa imaanaya maalmo kadib markii baareyaal sar-sarre loo diray xeradan muhiimka ah.
Saldhiga Manda Bay oo tababar la xiriira la dagaalanka argagixisada lagu siiyo ciidamadda qaar kamid ah dowladaha Geeska Afrika waxaa sidoo kale ka duula diyaaradaha duqeeya Al-Shabaab iyo ISIL.
GAROWE ONLINE