Mareykanka oo gaadiid dagaal ugu deeqay dowladda Jabuuti

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in 54-xabo oo gaadiidka dagaalka ah uu ugu yaboohay Jabuuti.

Markabka sidday gaadiidkan cusub ayaa todobaadkii hore ku xirtay dekadda Djibouti City, magaala madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in talaabadan ay qayb ka tahay heshiis 31-bilyan ah oo dhexmaray labada dal.

Heshiiska oo ay fududeysay safaaradda Mareykanka ku leeyahay Jabuuti ayaa wuxuu xeerinayaa iskaashi tababar iyo qalabeyn.

"Qalabkan wuxuu Ciidamadda Xoogga Jabuuti ku gaari doonaa muddo todoba bilood gudaheeda ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka AFRCOM.

Jabuuti oo meel muhiim ah kaga taala Geeska Afrika ayaa waxaa saldhigyo ciidan ku leh qaar kamid ah dowladaha ugu tunka weyn caalamka.

Mareykanka oo Jabuuti ku qeexay "saaxiib muhiim u ah" ayaa sanad walba wuxuu siiyaa maalgelin milatari oo gaareysa 200-milyan oo Doolar.

Sikastaba ha ahaatee, Jabuuti ayaa kamid ah wadamadda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM