Mareykanka oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee saldhiga Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in saldhig ay ku leeyihiin gobolka Lamu ee Kenya ay beegsatay Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa diidey in ay sharaxaad ka bixiso khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka oo qaraxyo ku bilowday, sidda la sheegay.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa booliska kasoo xigatay in "waxyeelo baaxad leh" uu geystay gulufka oo aroornimadii Axada maanta ah dhacay.

Warbixinta bileyska ayaa lagu sheegay saddex diyaarad nooca dagaalka oo laba lamida Mareykanku leeyahay midna Kenyanku leeyihiin la burburiyey.

AP ayaa sidoo kale intaas ku dartay in laba diyaarad nooca qumaatiga u kaca iyo gaadiid dagaal oo Mareykanku leeyahay lagu gubay duulaanka.

Saldhiga la beegsaday oo lagu magacaabo Simba ayaa waxaa si wadajir ah uga howlgala ciidamadda cirka Mareykanka iyo dhigooda Kenya.

Sanadkii hore, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig milatariga Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya, halkaasoo khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Weerarka xerada Simba ayaa kusoo aadaya xili bishii December, 2019, ay Al-Shabaab sheegatay qarax 90 qof dilay oo Muqdisho ka dhacay.

Mareykanka ayaa kadib ismiidaamitaas duqeyn dhanka cirka ah ku khaarijiyey todoba kamid ahaa Al-Shabaab, isagoo ka jawaabaya xasuuqaas.

Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulineysa Kenya tan iyo markii ciidamadda wadankaas ay ku biireen howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM