AFRICOM oo ka jawaabtay dhaliisha ciidanka Kenya ee weerarkii Manda

Image

WASHINGTON, US – Wallow uu ka gaabsaday in uu beeniyo ama xaqiijiyo, Milatariga Mareykanka ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixiyey weerarkii Al-Shabaab ee xerada Manda Bay, gobolka Lamu ee Kenya, 5-tii Janaayo, 2020.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu shaaciyey in ilaalada saldhiga ay duulaankaas kaga ka jawaabeen "si wax ku ool ah waqtigii loo baahnaa".

"Qiimeyn horudhac ah ayaa tilmaameysa in jawaab celin deg-deg ah oo wax ku ool ah ay hoos u dhigtay tirada khasaaraha iyo waxyeelada qalab ee la tirakoobay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Taliskan oo ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaarada Afrika ayaa tibaaxay in maleeyshiyaadka Al-Shabaab laga hor istaagay in ay gudaha ugu daataan garoonka diyaaradaha ee ku dhex-yaala xerada.

"Al-Shabaab waxay bilowgii madaafiic ku tuureen fariisinka ciidanka Kenya iyo saldhiga Camp Simba, waxay isla markiiba ay beegsadeen garoonka diyaaradaha," ayuu intaas ku daray warka qoraalka ah.

Qoraalka ayaa raaciyey: "Waxyar kadib markii weerarku bilowday, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Camp Simba ayaa si deg-deg ah kaga soo jawaabay isla markaana cadowga u diidey in uu galo madaarka".

Weerarkaas ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay saddex Ameerikaan kuwaasoo kala ahaa; hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah. Magacyadooda waxaa lagu sheegay Henry Mayfield, Bruce Triplett iyo Dustin Harrison.

AFRICOM oo ku dhawaaqday in hujuumkaas uu ahaa mid ay iska caabiyeen ayaa xustay in toogasho lagu dilay shan kamid ahaa dableyda weerarka ka dambeysay.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, Mareykanka waxaa ka jooga gudaha Kenya in ka yar 350 askari, oo tababar la xiriira argagixiso la dirirka siiya milatariga lana wadaaga xogaha dhanka sirdoonka.

Hadalka kasoo yeeray Mareykanka ee ku saabsan in weerarka laga jawaabay waqtigii loo baahnaa ayaa imaanaya iyaddoo New York Timies uu qoray in ciidanka Kenya ay Cawska ku dhuunteen intii xabaduhu dhacayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM