Mareykanka oo Kenya u aqoonsanaya xulafo weyn aan NATO ka tirsaneyn

Image
Kenya ayaa noqonaysa waddankii ugu horreeyay ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee darajadan ka hela Mareykanka.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa in uu Kenya u aqoonsado xulafo weyn oo aan NATO ka tirsaneyn, booqasho saddex maalmood ah oo uu madaxweynaha Kenya William Ruto martiqaad rasmi ah uga helay Biden kuna dhoweeyay Aqalka Cad ka hor maalinta Khamiista ah ee booqashada rasmiga ah, oo ku bilaaban doonta casuumaad casho sharaf ah.

Kenya ayaa noqonaysa waddankii ugu horreeyay ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee darajadan ka hela Mareykanka, taasoo ka tarjumaysa dadaalka Washington ee ku aaddan xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ay la leedahay waddanka Bariga Afrika, oo muddo dheer sidoo kale xiriir dhow la lahaa Ruushka iyo Shiinaha, una diraya 1,000 askari Haiti oo qayb ka ah Qaramada Midoobay.

Dalalka kale ee la filayo inay taageeraan ciidamada Kenya waxaa ka mid ah Bahamas, Barbados, Benin, Chad iyo Bangladesh.

Aqoonsigan waxaa u oggolaaday Mareykanka in la xiro, xulafada aan NATO ahayn ee xiriirka shaqo ee istiraatiijiga ah la leh milatariga Mareykanka.

Biden ayaa bishii March Qatar u magacaabay xulafada ugu wayn ee aan NATO ka tirsanayn ee Maraykanka, isaga oo fulinaya balan qaadkii uu u sameeyay Qatar horaantii sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM