Mareykanka oo ku goodiyey in uu cunaqabateyn saarayo Masar

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa ku goodiyey in uu cunaqabateyn kusoo rogayo Masar hadii ay soo iibsato diyaaradaha dagaalka Ruushka.

R Clarke Cooper, kaaliyaha xoghyaha arrimaha Siyaasadda iyo Milatariga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa talaabadaas uga digay Qaahira.

Mr Cooper oo ka hadlayey Dubai Airshow ayaa shaaciyey in ay dowladda madaxweyne Cabdel Fataax al-Siisi uga digeen in ay qaado talaabadaas.

"Waxay khatar ugu jiraan xayiraad, waana kusoo geli doonaa halista waxayna lumin karaa ogolaanshiyaha. Ma ahan wax cusub taas," ayuu xusay.

Horaantii sanadkan, Masar ayaa qalinka ku duugtay heshiis ku kacaya 2-bilyan oo Doollar oo ay kusoo iibsaneyso in ka badan 20-diyaaradood.

"Qaahira si cad ayaanu uga dignay arrinkaasi. Ma ahan war cusub kani," ayuu hadalkiisa raaciyaha Kaaliyaha oo wariyeyaasha la hadlay.

Washington ayaa alaaba beegsata wadamadda diyaaradaha milatari ka iibsadda Ruushka oo uu ka dhaxeeyo xilfaatan aad u culus.

Dowladda Masar ayaa illaa iyo haatan waxa aysan ka falcelin warka kasoo yeeray Mareykanka ee ku aadan hanjabaadda hubka.

Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu siinayey Masar balaayiin Doollar oo dhinaca dhaqaalaha iyo milatariga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM