Mareykanka oo liis madow ku daray hogaamiyaha Zimbabwe

Image
Emmerson Mnangagwa iyo mas'uuliyiin kale ayaa lagu soo rogay xayiraad caalami ah.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay madaxweynaha Zimbabwe oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo sarsare, kuwaasoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Isniintii dowladda Mareykanka waxay sheegtay in hogaamiyayaasha Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, iyo kooxdiisa siyaasadda ay ku tunteen hantida dadweynaha dano gaar ah.

Xaaska Mr Mnangaga, Auxillia Mnangagwa, ayaa sidoo kale lagu soo rogay cunaqabatayn sababtoo ah waxay "fududaysaa dhaqdhaqaaqyada musuqmaasuqa ee ninkeeda".

Dowladda Zimbabwe ayaan ka hadlin eedeymahan balse waxa ay meesha ka saartay cunaqabateyn horay loogu soo rogay, taasoo qeyb ka ah qorshaha reer galbeedka ay ku doonayaan in isbedel siyaasadeed lagu sameeyo.

Tallaabadan ayaa meesha ka saartay amarkii hore ee cunaqabataynta fulinta ee la soo saaray 2003 waxayna u guuraysaa 11 qof iyo saddex hay'adood liiska caalamiga ah - barnaamijka cunaqabataynta caalamiga ah ee Magnitsky.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM