Mareykanka oo malaayiin Doolar ugu deeqay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay bixin doonto sideed milyan oo Doolar si wax looga qabto Ayaxa ku habsaday dalalka bariga qaaradda Afrika.

Mike Pompeo, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, oo deeqdaas ku dhawaaqay Talaadadii, ayaa tibaaxay in lacagtaas ay si gaar ah ugu talagaleen Soomaaliya, Itooiya iyo Kenya.

"Mareykanka ayaa wuxuu 8 milyan ku taageerayaan howlgalada iska caabinta Ayaxa ee gobolka si gaar ah Itoobiya Kenya iyo Soomaaliya," ayuu Pompeo ka sheegay shir jaraa'id.

Hadalkaan ayuu ka dhawaajiyey xili uu booqdey Addis Ababa, caasimadda Itoobiya. Dhigiisa waddankaas Gedu Andargachew ayaa kulan saxaafadeedka ku wehliyey.

Pompeo ayaa kulan la qaatay ra'iisul wasaare Abiy Axmed, kaasoo ay kawada hadleen arrimo quseeya gobolka iyo khilaafka kala dhaxeeya Masar.

Kaalamdaan aya kusoo aadeysa iyaddoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in Ayaxa uu ku faafo wadamo kale, taasoo ay xustay in ay khatar gelin karto nolosha kumaanaan ruux.

Ayaxa oo dilaacay bishii December ayaa la xaqiijiyey in uu cagta mariyey kumanaan kun oo dhul-beereed ah, waana duulaankii ugu xumaa taariikhda muddo 70-sano ah kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyihii  Jabuuti oo geeriyooday, isagoo 91 jir ah

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhulka ee Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciise laga soo bilaabo 1967 illaa 1976.

  • Afrika

    17-12-2025

  • 07:13AM

Booliska Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ku qaaday Shaqaale u dhashay Shiinaha

Gaadiidka shirkadda dhismaha, oo ay ku jiraan hal gaari boolis, shan Toyota Hilux double-cab, grader, iyo bowser biyo ah.

  • Afrika

    16-12-2025

  • 03:07PM