Mareykanka oo u hanjabay Al-Shabaabkii ee weeraray xerada Manda

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka, Mark Esper, ayaa shaaca ka qaadey in ay talaabo ka qaadi doonan dableydii weerartay saldhiga Manda Bay ee ku yaala gobolka Lamu ee Kenya.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay xarunta wasaaradda, Esper ayaa ugu horeyn wuxuu shaaciyey in ay murugada la wadaagayaan qoysaska saddexda Ameerikaanka ah ee lagu dilay falkaas.

Esper ayaa xaqiijiyey in diyaarado ay leeyihiin ciidamadda Mareykanka lagu gubay weerarka, wallow uusan carabaabin tirro.

Sidda ay ku warantay warbaahinta, todoba diyaarad oo laba kamid ah ay yihiin kuwa qumaatiga u kaca ayaa lagu burburiyey weerarka.

Al-Shabaab, garabka Soomaaliya ee shabakadda Al-Qaacida, ayaa dusha saartey mas'uuliyadda weerarka oo dhacay aroornimadii Axada, 5-tii Janaayo, 2020-ka.

Saddexda Ameerikaanka ah ee la khaarijiyey ayaa laba kamid ah waxay ahaayeen qandaraasleyaal, halka midka kale uu ahaa askari la qoray bishii June, 2018.

"Tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa qoyska saddexda Ameerikaanka ah ee noloshooda ku waayey Manda Bay, Kenya. dambiileyaasha qaadey weerarkani waxay wajihi doonan cadaaladda," ayuu yiri Esper.

Sidda laga soo xigtay lamaaha ammaanka, tiradda maleeyshiyaadka howlgala ku ekeeyay Manda Bay ayaa ahaa tobban. Shan kamid ah waxaa lagu dilay iska hor-imaad, halka shanta kale la qabtay.

Eedeysaneyaasha oo haatan uu baaritaan ku socdo ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan ay kasoo muuqdaan maxkamad.

Xerada Manda Bay, oo ka kooban saldhig iyo garoon ay ka duulaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayaa tababar lagu siiyaa ciidamada wadamada Geeska Afrika ee oo yaqaano argagixiso la dirirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM