"Markii dunida kasii jeesatay Soomaaliya; annagaa maalgeshanay"

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa waxa uu jeediyey khudbadiisii meertada 74aad ee shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Kulanka oo ka soconaya New York ayaa waxaa ku sugan in ka badan 100 hogaamiye oo uu kamid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kenyatta ayaa kalmadiisa kusoo qaaday arrimo kala duwan oo ay ku jiraan baadigoobka dalkiisa ee xubinimadda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.

Isaga oo u mahad-celiyey Midowga Afrika oo ku taageeray olalahooda, Uhuru ayaa waydiistay dalalka kale ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa codkooda.

"Waan u qalanaa kursiga sababta oo ah waxaan hogaamineynaa dedaaladda nabada ee Geeska iyo Bariga Afrika," ayuu hadalkiisa ku daray.

Jabuuti waa dalka kaliya ee xukuumadda Nairobi loolanka kula jira. Xukuumada fadigeedu yahay Muqdisho waxay guul u rajeysay Jabuuti.

"Markii dunida kasii jeesatay Soomaaliya, annaga ayaan qaadnay oo maalgeshanay," ayuu hadalkiisa ku daray Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa martigelisay shirarkii lagu dhisay dowladii ku meel gaarka ee Soomaaliya, sidoo kale waxay kaalin ku lahayd dhismihii xukuumadii federaalka.

Sidoo kale Kenya ayaa hoy u noqday Soomaali badan oo dalkooda uga soo cararay colaad iyo shaqo la'aan, kuwaasi oo qaarkood nolol sarre ay ku jiraan haatan.

"Xubin walba oo kamid ah qoyska Qaramada Midoobay waxaan ka codsaneynaa in ay codkooda noogu hiiliyaan," ayuu cod dheer ku sheegay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa haatan ka dhaxeysa xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay gal-dacwadeedka badda ee horyaala maxkamadda ICJ.

Farmaajo iyo Kenyatta oo Arbacadii ku kulmay New York ayaa ku heshiiyey in la qaboojiyo xiisadda, iyadda oo kiiska badda loo deynayo xeer-beegtada UN-ka.

Sikastaba ha ahaatee, Kenya ayaa sidoo kale haatan kamid ah dalalka ay ciidamadda ka joogaan Soomaaliya isla markaana qayb ka ah howlgalka AU-da ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo ku baaqday in Maamulka Badda Cas Lagu Koobo Dalalka Xeebaha Leh oo Kaliya

Isagoo ka hadlayay arrimaha biyaha, Abdelatty wuxuu ku tilmaamay biyaha xuquuq aasaasi ah oo bani’aadamka leeyahay.

  • Afrika

    16-02-2026

  • 12:27PM

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM