Masar iyo Suudaan oo ka wada hadlay Wabiga Nile iyo xaaladda dagaalka
Qaahira – Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sissi, ayaa Khamiistii magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan, Kamil al-Taib Idris, iyadoo labada dal ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha Wabiga Nile iyo iskaashiga laba geesoodka ah.
Kulanka oo uu ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly, ayaa lagu qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, halkaas oo Madbouly uu si adag uga soo horjeestay "tallaabooyinka keli ah ee Itoobiya ay weli ku waddo arrinta Wabiga Nile."
"Masar waxay mar walba diidday in tallaabo hal dhinac ah lagu xalliyo arrin khuseysa biyo noloshooda muhiimka u ah laba dal," ayuu yiri Madbouly.
Bishii hore, Masar waxay sheegtay in Itoobiya aysan weligeed muujin doonin rabitaan siyaasadeed oo dhab ah si loo gaaro heshiis waajib ah oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee ay dhammaystirtay, taasoo la xiriirta xuquuqda biyaha Wabiga Nile ee Masar iyo Suudaan.
Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday mashruuca Itoobiya, iyadoo ka cabsi qabta in uu yareeyo saamiga biyaha Wabiga Nile ee dalkaasi, kuwaas oo muhiim u ah wax-soosaarka beeraha iyo nolosha ku dhowaad 100 milyan oo Masriyiin ah.
Ra’iisul Wasaare Kamil al-Taib Idris, oo safarkiisa ugu horreeya dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, ayaa sheegay in "is-afgarad" iyo "midnimo aragtiyeed" laga gaaray qodobadii la isla soo qaaday intii kulamadu socdeen.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Idris wuxuu xusay xaaladda adag ee dalkiisa uu wajahayo, isagoo sheegay in iskaashiga deriska uu muhiim u yahay sidii Suudaan uga soo kaban lahayd dhibaatada.
Dagaalka awood-qaybsiga ee u dhexeeya militariga Suudaan iyo ciidamada RSF (Rapid Support Forces) ayaa sababay musiibo bini’aadantinimo oo baaxad leh.
In ka badan 40,000 oo qof ayaa lagu dilay dagaalka, halka uu sababay mid ka mid ah qulqulka barakacayaasha ugu weyn caalamka. In ka badan 7 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka, iyadoo colaaduhu ku fidiyeen inta badan gobollada Suudaan.
Caasimadda Khartoum ayaa si weyn loo burburiyay, iyadoo ay ku jiraan madaxtooyadii iyo garoonkii diyaaradaha, balse hadda dib u soo kabasho tartiib ah ayay ku jirtaa, iyadoo dadkii deegaanka ay bilaabeen inay ku laabtaan halka suuqyadii qaar dib loo furay. Si kastaba, adeegyada aasaasiga ah sida korontada iyo biyaha ayaan weli si buuxda uga shaqayn magaalada.
Masar ayaa martigelisay tirada ugu badan ee qaxootiga Suudaan laga soo barakiciyay, iyadoo in ka badan 1.5 milyan oo qof ay u gudbeen xadka woqooyi ee Masar tan iyo bilowgii dagaalka.
GAROWE ONLINE