Masar iyo Suudaan oo kala saxiixdey heshiis milatari

Image

QAAHIRA, Masar – Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa qalinka ku duugay heshiis milatari kaasoo Arbacadii shalay taliyeyaasha ciidamadda labadda waddan ay ku kala saxiixdeen magaaladda caasimadda ah ee Qaahira.

Mohamed Farid, taliyaha ciidamadda Masar, iyo dhigiisa Suudaan, Mohamed Osman al-Hussein, ayaa bogaadiyey heshiiska, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inuu meesha ka saarayo khatar ay dalalkooda wajahayaan.

Labadda sarkaal ayaa ku nuux-nuux-saday in ay Qaahira iyo Khartuum kawada shaqeynayaan sidii uu u dhaqan-geli lahaa heshiiskaas. Balse, waxay ka gaabsadeen in ay fahfaahin ka bixiyaan dulucda heshiiskaas.

Sidda uu ka dhawaajiyey Al-Hussein, xukuumadda Suudaan ayaa uga mahadcelineysa Masar taageeradeeda waqtigan aadka u adag.

Heshiiskan milatari ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda ka taagan xuduudka Itoobiya iyo Suudaan ay sii karaar-qaadaneyso isla markaana dhowr jeer uu halkaas isku-dhac ku dhexmaray milatarigana wadamaddan deriska ah.

Saddexdan waddan waxaa sidoo kale ka dhaxeeya is-qabqabsi la xiriira biyo-xireenka webiga Nile kaasoo ay maalgelineyso dowladda China.

Dedaalo caalami ah oo lagu qaboojinayo xiisadda ayaa meel xun gaartay, waxaana si gaar ah u fashilmay qorshe maamulkii Donald Trump doonayey in uu ugu kala dab-qaado markii Addis Ababa ay diidey qodobo uu soo jeediyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM