Masar oo ku baaqday in laga taageero Soomaaliya la dagaallanka argagixisada

Image

QAHIRA — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar, Dr. Badr Abdel Aty, ayaa Khamiistii ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika iyo Midowga Afrika si loo taageero dadaallada nabad ilaalinta iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Kulanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo uu ka qayb galay wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray sidii looga gudbi lahaa wareejinta howlgallada ATMIS una gudbi lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM, iyadoo Masar ay ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in hawlgalkan la siiyo maalgelin joogto ah si loo xaqiijiyo guulaha amni ee la gaaray.

Dr. Abdel Aty ayaa sheegay in amniga Soomaaliya uu yahay furaha xasiloonida guud ee gobolka, isaga oo ku booriyay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay sii xoojiyaan taageerada hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo horumarinta awoodooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka digay khataraha sii kordhaya ee ka imanaya kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, isagoo ku baaqay in si wadajir ah loo wajaho caqabadahaas si looga hortago in firaaq amni uu noqdo fursad kooxahan.

Masar ayaa sidoo kale soo jeedisay in la sameeyo qorshe istiraatiiji ah oo gobolka looga hortago argagixisada iyo tahriibka, iyadoo la adeegsanayo iskaashi dhex mara dalalka Geeska Afrika iyo Midowga Afrika, si loo helo xasillooni waarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM