Masar oo mar kale shafka u garaacatay difaacida Soomaaliya

Image
Masar iyo Soomaaliya ayaa aad isugu soo dhawaaday bilihii ugu dambeeyay, iyadoo labada dal ay iska fogeeyeen Itoobiya.

QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa mar kale sheegay in Masar ay ka go’an tahay inay difaacdo Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee qaranka ay ku leeyihiin Jaamacadda Carabta, wuxuuna ka digay inaan cidna loo ogolaan doonin inay khatar ku noqoto madax banaanideeda.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha militari iyo kuwa siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyadda oo ku lug lahaanshaha Masar ee ballaarinta ay dib u qaabaynayso dhaqdhaqaaqyada gobolka.

"Ma soo saarno hanjabaado, laakiin uma dulqaadan doono cid walba oo khatar ku ah Soomaaliya," el-Sisi ayaa yiri mar uu ka hadlayay telefishinka.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay hesho difaac wadareed sida ku cad Axdiga Jaamacadda Carabta, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay bixiso kaalmo hadii ay Soomaaliya codsato taageero si loo ilaaliyo qaranimadeeda.

Hadalka El-Sisi waxa uu daba socdaa hubkii labaad ee Masar ay u soo daabusho Soomaaliya muddo bil gudaheed ah, kaasi oo uu soo dhiibay Markab dagaal oo laga leeyahay Masar 23-kii September.

Shixnaddan oo sida la sheegay ay ku jiraan Qoryaha lidka Diyaaradaha iyo kuwa Madaafiicda ayaa tilmaamaya inay suuragal tahay inay sare u kacdo dhaq-dhaqaaqyada Milliteri ee Geeska Afrika.

Taageerada militari ee Masar ee sii kordheysa ee Soomaaliya ayaa walaac ku abuurtay qaar kamid ah wadamadda muruqweynta ah ee gobolka, gaar ahaan Itoobiya.

Masar iyo Soomaaliya ayaa aad isugu soo dhawaaday bilihii ugu dambeeyay, iyadoo labada dal ay iska fogeeyeen Itoobiya. Xiisadda Qaahira iyo Addis Ababa ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana sabab u ah biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo Masar ay u aragto inuu khatar ku yahay biyaha dalkeeda.

Khilaafka ayaa weli ah mid aan la xalinin inkastoo dhowr wareeg oo gorgortan ah, oo ay ku jiraan wadahadalada uu Maraykanku dhexdhexaadinayo sanadka 2019-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM