Masar oo ku baaqday in Maamulka Badda Cas Lagu Koobo Dalalka Xeebaha Leh oo Kaliya
ADDIS ABABA – Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga iyo Qurbajoogta ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in maamulka iyo maareynta Badda Cas ay tahay in lagu koobo dalalka si toos ah u leh xeebaha baddaas, isagoo si cad u diiday isku day kasta oo ay quwado dibadeed ku doonayaan inay qayb kaga noqdaan maamulka gobolka.
Hadalka wasiirka ayaa yimid intii uu kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, xilli uu socday shir-madaxeedka Midowga Afrika. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda uga soo horjeedo faragelin kasta oo ka timaadda dalal aan xeeb ku lahayn Badda Cas.
Wuxuu sheegay in Masar ay waddo dadaallo lagu dhaqaajinayo Golaha Dalalka Carabta iyo Afrika ee ku Teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si loo xoojiyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah, loona adkeeyo amniga, xasilloonida iyo horumarka waara ee gobolka.
Dhanka kale, wasiirku wuxuu bogaadiyay heerka wada shaqeynta ee u dhexeeya Masar iyo Guddiga Midowga Afrika, isagoo xaqiijiyay taageerada Qaahira ay siiso dadaallada ururka ee xalinta khilaafaadka iyo hirgelinta Ajendaha 2063. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida Masar ay uga go’an tahay kordhinta doorka khubaradeeda ku jira Isagoo ka hadlayay arrimaha biyaha, Abdelatty wuxuu ku tilmaamay biyaha xuquuq aasaasi ah oo bani’aadamka leeyahayhay’adaha Midowga Afrika.
Isagoo ka hadlayay arrimaha biyaha, Abdelatty wuxuu ku tilmaamay biyaha xuquuq aasaasi ah oo bani’aadamka leeyahay, isagoo adkeeyay muhiimadda helitaanka biyo nadiif ah. Wuxuu soo dhaweeyay ansixinta Himilada iyo Siyaasadda Biyaha Afrika ee 2063, taasoo ku baaqaysa in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah gaar ahaan mashaariicda la xiriira webiyada wadaagga ah.
Arrimaha Suudaan ayuu wasiirku ku celiyay mowqifka Masar ee ku aaddan taageerada midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaas, isagoo diiday isku day kasta oo lagu kala qaybinayo ama lagu wiiqayo madaxbannaanidiisa. Wuxuu ku baaqay xabbad-joojin dhameystiran iyo in la fududeeyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu muujiyay taageerada Masar ee dadaallada lagu xoojinayo howlgalka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), gaar ahaan iyadoo la filayo in ciidamo Masri ah ay qayb ka noqdaan howlgalka. Wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo diidmada abuurista qaabab kale oo ka baxsan nidaamka sharciyeed ee la aqoonsan yahay.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa dhankiisa ku ammaanay doorka Masar ee ku aaddan horumarinta nabadda, amniga iyo horumarka qaaradda Afrika, isagoo muujiyay rajada laga qabo sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.
GAROWE ONLINE