Masar oo xirtay boqolaal kadib mudaaharaadyo ka dhan ah Al Sisi

Image

KHAAHIRA, Masar – Mas'uuliyiinta Masar ayaa xiray in ka badan 1,100 dad ah tan iyo todobaadkii hore kadib banaanbaxyo ka dhacay dhowr magaalo kuwaasi oo lagu dalbanayey in uu is-casilo hogaamiye Cabdel Fataax Al Sisi.

Hay'addo maxali ah oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa tibaaxay in ay si wadajir ah u diiwaan-geliyeen xiritaanka tan iyo bilaabashada dibad-baxyadda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa nan wali ka jawaabin dalabyo dhowr ah oo ku saabsan in wax laga waydiiyo sheegashooyinka ka dhan ah dowlada.

Shaqsiyaadka xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa kamid ah xubno caan ah oo isugu jira siyaasiyiin iyo qoraayaal aad uga soo horjeeda xukuumada Al Sisi.

Mudaaharaadka ayaa mamnuuc ka ah Masar, hadii aanan ogolaanshiyo laga haysan dowladda ama uusan ahayn mid iyadda lagu taageerayo.

Taageereyaasha Al Sisi ayaa dooda waxay salka ku haysaa in banaanbaxyadda ay yihiin kuwa xasilooni darro lagu abuurayo.

Hase ahaatee, kuwa kasoo horjeeda oo isku sifeeyay dimoqraadiyad doon ayaa baraha bulshadda kusoo qoraya erayo ay ku codsanayaan in uu tago Al Sisi.

Kadib banaanbaxyo gilgilay waddankaas 2013-kii, Al Sisi ayaa xukunka qabsaday markii uu afgembiyey Maxamed Mursi, hogaamiyihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah ku doortaan shacabka. Mursi ayaa dhowaan ku dhintay xabsi.

Banaanbaxyadda ayaa aad ugu yar Masar inta uu taladda hayo Al Sisi, kaasoo aas-aasay guddi qabqabta dibad-baxayaasha, taasi oo aad loo dhaleeceeyay.

Mudaaharaadyadda soo cusboonaadey ayaa yimid markii Maxamed Cali, qandaraasle hore oo milatariga ka tirsanaa, uu ku eedeeyay dowladda Al Sisi musuqmaasuq iyo ku tagrifalka xoolaha dadweynaha.

Cali, oo musaafuris ahaan ugu nool dalka Spain, kaasoo muuqaalo kala duwan soo dhigay baraha bulshadda ayaa wuxuu ku baaqay banaanbax kale oo qabsooma Jimcaha, wallow ay calaamad su'aal dulsaaran tahay in uu dhici karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo ku baaqday in Maamulka Badda Cas Lagu Koobo Dalalka Xeebaha Leh oo Kaliya

Isagoo ka hadlayay arrimaha biyaha, Abdelatty wuxuu ku tilmaamay biyaha xuquuq aasaasi ah oo bani’aadamka leeyahay.

  • Afrika

    16-02-2026

  • 12:27PM

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM